Waxanu ka Hirgelinay Degmada Axmed Waddooyin Casri ah,”.Guddoomiye ku xigeenka Degmada

0
226

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiye ku xigeenka Degmada Axmed dhagax  ee Caasimadda Hargeysa Jamaal Caydiid Ibraahim  ayaa ka warbixiyay Wadooyin cusub  buundooyin ay ka hirgaliyeen Degmadaas.

Jamaal Caydiid Ibraahim  oo Shalay u Waramayay Wargeyska Dawan ayaa waxa uu sheegay in dayactir ku sameeyeen Wadooyinka Degmada Axmed,isla,markaana ay ka hirgaliyeen Wadooyin casriya.

Jamaal Caydiid Ibraahim  oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aanu hirgalinay samaynay wadada Xaafada Octoober oo muddo dayacnayd oo ay la socoto iftiiminta laydhka,waxa kale oo aanu hirgalinay waddo muhiima oo  isku xidhaysa ex Biriij liicliica ilaa Masalaha ee xadka u dhaxeeya labada degmo Axmed Dhagax iyo 31 May.waxa kale oo imika socota wadada Ina Naxar ilaa Masalaha waxa kale oo socota wadada isku xidhaysa  xera Birjeex ilaa Taliska Ciidamada badda oo ah wado  casriya oo aanu dhamaystirnay,sidoo kale waxa gacanta lagu hayaa Wadada isku xidhaysa Kaantaroolkii hore ee Baligubadle ilaa Cosob.waxaana aanu dayactirnay wadooyin hore oo ay ka mid tahay Wadada isku xidhaysa taliska Ciidamada badda ilaa Badhka iyo wadada isku xidha Siinay iyo  Isha Boorama iyo wadada dhaxaysa Siinay ilaa Octoober oo dib habayn aanu ku samaynay markaa Sannadkan wadooyinkaas ayaanu samaynay,”.

Jamaal Caydiid Ibraahim  ayaa waxa uu tilmaamay in ay ka hirgaliyeen degmada Axmed buundooyin ay iska  kaashadeen Dadweynaha iyo Dawlada Hoose  ee Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxa kale oo Degmada Axmed dhagax aanu ka hirgalinay  buundooyin ay iska kaashadeen  bulshada iyo Dawlada Hoose ee Hargeysa, waxaana aanu  hirgalinay buundo isku xidhaysa Xaafadaha Siinay iyo Xeroawr, oo ay iska kaashadeen dadweynaha iyo Dawlada Hoose waana ay dhamaystiran tahay waxa kale oo noo qorshaysan labo buundo aanu samayn doono,”,

Sidoo kale  Jamaal Caydiid Ibraahim  ayaa waxa uu usoo jeediyay dadweynaha degmada Axmed Dhagax in ay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay.Waxaana uu yidhi”Waxa aan  ugu baaqayaa dadweynaha Degmada Axmed madaama  wax qabad muuqda indhahooda ku arkaan ee la hirgaliyay in cashuurta ku waajibtay bixiyaan,sannadka inagu soo waajahan waxa aanu wax ka qaban doonaa baahiyaha aasaasiga ah ee Degmada Axmed,Cashuur ururinta Degmada Axmed aad ayay u fiican tahay waxaana ay ka mid tahay Degmada Axmed  degmooyinka ugu sarreeya cashuur bixinta,”.

 Ogaysiis

Anagoo ah Shirkadda Wabco Geberal Trading company Waxa aanu ku wargalinaynaa dhammaan Macaamiishayada in aan wakiil rasmi ah uga nahay Shirakada magaceedu yahay ( IZUZU ) taas oo soo saarta Baabuurta (ISUZU ) kuuna keentay Wadanka somaliland.

Sidaa daraadeed waxa aanu ogaysiinaynaa macaamiishayada in ay nagala soo xidhiidhaan, telefoonada.Tell: 063454212/ Tell: 0634426106

 

 

Leave a Reply