Qulujeed: In kabadan 12 Tuulo oo Aan lahayn Adeeg bixin Caafimaad

0
171

Qulujeed (Dawan):-Guddoomiyaha degmada Qulujeed ee gobolka Awdal Maxamed Xuseen Cismaan, ayaa sheegay in ka badan 12 Tuulo oo hoos yimaadda degmada in aanay lahayn xarumaha hooyada iyo dhallaanka, waxa uu wasaaradda caafimaadka, xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha ka shaqeeya arrimaha caafimaadka ka codsaday in ay ka hawlgalaan sidii ay degaanadaas 12-ka ka badan adeeg bixin caafimaad ugu raadinlahaayeen

Geesta kale waxa uu sheegay in adeeg bixinta waxbarasho ee degaanada hoos yimaada degmada Qulujeed ay aad u hooseeyaan, isaga oo ku sababeeyay in macalimiintu aanay gunno iyo mushahar midna qaadan, waxaanu ugu baaqay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland in ay macalimiinta gunno iyo mushaharba u sameyso si waxbarashada ardaydu u sii socoto.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay jidka u dhaxeeya Boorama iyo Qulujeed, oo uu tilmaamay in uu yahay jid muhiimadiisa leh, balse gaadiidka marayaa ay dhibaato fara badan ka maraan, waxa uu intaa ku daray in jidku marin u yahay gaadiidka u socda, Itoobiya, Jabuuti iyo gobollada galbeedka Somaliland, waxaanu xukuumadda Somaliland ka codsaday in gacan laga siiyo dhismaha jidkaas muhiimka u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Waxaanu yidhi.“Jidka isku xidha magaalooyinka Boorama iyo Qulujeed aad iyo aad ayuu u adag yahay, waxaanu codsanaynaa annaga dawladda iyo cid kale oo wax lagu qoraba jidkaa dhismihiisa in dawladda Somaliland wax nagala qabato, deegaan ahaan na aanu diyaar u nahay”

Mar uu ka hadlay adeeg la’aanta caafimaad ee ka jirta in ka badan 12 tuulo oo hoos yimaada degmada Qulujeed waxa uu yidhi.“Shan iyo toban tuulo ayaa hoos yimaada degmada Qulujeed, xarumaha hooyada iyo dhallaanka saddex tuulo oo kaliya ayaa leh.

Baahiyaha caafimaad ee ku xeeran degaanada hoos yimaada degmada Qulujeed, sida Culaancule, Gadhiid, Abase, Maraaley, Qolqol, Carro-cad, Okhlaale, waxaanu wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ka codsanayna iyo hay’addaha ku shaqada leh arrimaha caafimaadku in ay degaanadaasi kor ku xusan ay ka hirgaliyaan xarumo dhanka hooyada iyo dhallaanka ah, si hooyadii iyo ilmaheediiba loo badbaadiyo.”

Sidoo kale waxa uu is dultaagay in ay aad u hoosayso adeegyada waxbarasho ee degaanada hoos yimada degmada uu guddoomiyaha ka yahya.

Waxaanu yidhi.“Adeeg bixinta dhanka waxbarashadu aad iyo aad ayay u hoosaysa, sababo la xidhiidha macalimiintii oo bila guno ah iyo qaarkood oo aan wali lagu darin Bayroolka dawladda, marka waxa aanu ka codsanayna wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland in ay macalimiinta dugsiyada ku jooga sida ku meelgaadhka ah in ay shaqaale nooga dhigaan”

 

 

 

 

Leave a Reply