Xildhibaan Indho Indho oo kulan la Yeeshay Mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka Ingiriiska

0
472

Bristol(Dawan):-Danjiraha Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamka ah u qaabilsan Golaha Deegaanka ee  Magaalada Bristol Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac ayaa soo qaban qaabisay kulan dhexmaray Xildhibaan  Cabdiqaadir Maxamed Xasan indho indho iyo Xildhibaan Kerry McCarthy MP oo laga doortay Magaalada Bristol, kulankaas oo qaatay muddo saacad ah ayaa ka qabsoomay Xarunta Dawladda hoose ee Bristol waxaana lagaga wada hadlay Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland iyo sidii loo icitiraafi lahaa taasoo ay Xildhibaan kerry McCarthy ay tahay Xildhibaanaddii samaysay Gudida Xildhibaanada Baarlamaanka ee Saaxiibadda Somaliland.

 

Xildhibaan indho indho ayaa warbixin ka siiyey xildhibaanad Kerry Xaaladda Somaliland iyo horumarka ka socda iyo baahida Somaliland u qabto in la icitiraafo.

 

Xildhibaan indho indho ayaa u mahadnaqay Xildhibaanada Baarlamaanka ingiriiska ee Taageera Qadiyada Madax banaanida Somaliland

 

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac ayaa ugu mahadnaqday Xildhibaan kerry McCarthy oo isku Magaalo laga doorto dadaalka ay galisay Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo xidhiidhka Saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxaysa Somaliland Iyo boqortooyada Ingiriiska.

 

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac waxay sheegtay in Somaliland kusii dhawaanayso in la ictiraafo duniduna ay bulshada Dedaalkooda Abaalmariso.

Kulankaas ayay siweyn usoo dhaweeyeen Jaaliyadda Somaliland ee UK Mucaarid iyo Muxaafid waxaanay soo dhaweeyeen kulankan lagaga hadlayay  Qaranimada Somaliland

 

 

 

 

Leave a Reply