Wasiir Warfaafinta oo ka hadlay Nabadgelyada siday Muhiimka u Tahay

0
311

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, ayaa xildhibaanada goleyaasha degaanka ku adkeeyay illaalinta nabadgelyada iyo in qofkastaba  xil ka saaran yahay.

Waxa uu sheegay in nabadgelyadu tahay waxa aan la kala badsan, haddii ay madaxweyne tahay, hadday darbijiif tahay, haday milyaneerka tahay, qof kastaana uu u baahan yahay in uu nabad gelyo ku noolaado.

Waxaanu  xusay in inta ka gidaarka jiiftaa u baahanyahay nabadgelyada milyaneerkuna u baahanyahay.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay tabbabar loo qabtay qaar ka mid ah mudaneyaasha goleyaasha degaanada ee dalka.

Waxaanu yidhi.“Qofku haddii wuxu cuno uu helo waxa labaad ee uu xusuusta waa nabad iyo hoy, xataa xayawaanka qaarkood godad ayay sameystaan, kuwana dhirtay fuulaan, qaarba sibay nabadgelyadooda u ilaaliyaan.

Waxaynu nahay Qaran, mudaneyaasha la soo doortay waxa saaran masuuliyado fara badan oo ay ugu mudan tahay nabadgelyadu, innaga oo aan garanayn meel aynu nabada uga dhaqaaqno, nabadgelyadu waa waxaa aan la kala badsan, haddii aad madaxweyne tahay iyo haddii aad tahay qof gidaarka jiifa, haddii aad tahay bilyaneer iyo haddii aad tahay qofka caawa wax uu cuno haysta, nabada inta ka gidaarka jiifaa uga baahanyahay ayuu ka bilyaneerkuna uga baahanyahay.”

 

Leave a Reply