Shan Markab oo shidaalka qaada oo laga hakiyey xarumaha Djibouti iyo Maritime Cook island

0
257

Xarumaha maraakiibta caalamiga ah ee Djibouti iyo jasiiradaha Cook, ayaa hakiyey calamadii saarnaa shanta markab ee shidaalka qaada, ka dib ay ku xad-gudbeen cunaqabatayn uu Maraykanku ku soo rogay Iran bishan, Maraakiibtan ayaa fududeeyey ganacsiga saliida Ururada xoogga military ee Xisbullah iyo Quds Force oo Iran ah. ururka aan dawliga ahayn ee la socodka Nukliyeerka Iran (UANI) ayaa sidaa sheegay Isniintii.

Waaxda maaliyadda ee Maraykanka ayaa horraantii bishii November cunaqabateyn ku soo rogtay shirkado, dad iyo maraakiib lagu eedeeyay in ay qariyeen asalnimada Iran ee shixnadaha iyo u dhoofinta caalamka.

Maraakiibta Shidaalka qaada (tankers) ee Bueno, B Luminosa, Bluefins iyo Boceanica ayaa maalmihii la soo dhaafay laga joojiyey diiwaanka caalamiga ah ee maraakiibta Djibouti cunaqabataynta kadib, halka markabkii Rain drop laga saaray diiwaanka Maritime Cook Island, oo ah Jasiirada dhacda koonfurta Baasifik una dhow New Zealand, sida ay xaqiijiyeen UANI.

Washington waxa ay sii waddaa cunaqabataynta ballaadhan ee saaran Tehran waxayna raadisay habab ay ku kordhiso cadaadiska iyada oo isku dayadii la joojiyay ee lagu doonayay in dib loo soo nooleeyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee Tehran iyo quwadaha aduunka.

Maraakiibta aan lahayn calan waddan, kala-soocid badeed ama caymis ayaa ka mamnuuc ah inay ka dhex gudbaan dekedaha caalamiga ah.

Inta badan Tanker ama maraakiibtan shidaalka ayaa ku sugan biyaha Venezuela, halkaas oo ay u adeegsato shirkadda saliidda ee dawladdu maamusho ee PDVSA si ay saliidda iyo shidaalka u kala wareejiso dekedaha gudaha, sida laga soo xigtay dukumentiyada shirkadda gudaha ee ay aragtay Reuters.

PDVSA wax jawaab ah kamay bixin warbixin laga dalbaday.

Markab kale oo ku jira liiska cunaqabateynta Maraykanka, Young Yong, ayaa horey u waayay calanka Jabuuti iyo kala soocida cadeyneysa in ay u qalanto badda xilli ay ku degtay biyaha Indonesia oo siday shixnad ka timid Venezuela.

Tiro sii kordhaysa oo ah Maraakiibta shidaalka  ah oo ay qolo saddexaad leedahay ayaa loo adeegsanayaa isku beddelka saliidda ee Iran iyo Venezuela oo tan iyo sannadkii waxaana fududaysa PDVSA, iyada oo doonaysa inay hesho macaamiil iyo gaadiid shidaal. (Waxaa soo tebisay Marianna Parraga; Tafatirka Gary McWillians iyo Grant McCool)

Leave a Reply