Siduu Arday reer Zambia ahi ugu dhintay dagaalka Ukraine isaga oo u dagaalamaya Ruushka?

0
172

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka in uu cadaadis ku saarayo dadka Afrikaanka ah ee xiran si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

In tweetAfhayeen u hadlay wasaaradda Oleh Nikolenko ayaa yiri: “Putin waxa uu muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku xiran Ruushka u diraya dagaalka ka socda Ukraine. Arday hore oo Zambia u dhashay ayaa la dilay.

“Waxaan ugu baaqaynaa Midowga Afrika iyo dhammaan dalalka Afrika inay ka dalbadaan Ruushka inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo muwaadiniintooda. Afrikaanku waa inaysan u dhinnayn hamiga boqortooyo ee Putin ee buka.”

Arintaan ayaa timid kadib markii arday u dhalatay dalka Zambia uu ku dhintay dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

 

Ardaygan reer Zambia ah ayaa ku dhintay jiidda hore ee dagaalka isagoo u dagaallamaya Ruushka ee Ukraine ka dib markii laga soo qaaday xabsiga, sidaana waxa sheegay warar soo baxay.

Saraakiisha Zambia ayaa weydiistay dowladda Ruushka “inay si degdeg ah u soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan xaaladaha” ku xeeran dhimashada Lemekhani Nyirenda oo 23 jir ah, kaas oo ay maxkamad dalka Ruushka ahi ku xukuntay 2020-kii eedeymo aan caddayn iyo Jeel.

Nyirenda waxa uu Injineernimada nukliyeerka ka baranayey Machadka Moscow Engineering Physics ,waxaana uu ka shaqaynayey shaqo- wakhti dhiman ah oo Gacan-yare ama inuu alaabaha loo baahan yahay dadka u kala qaado, balse qof aan la garanayn ayaa u dhiibay baakidh ay ku jiraan daroogo,sida uu aabihiis Edwin Nyirenda u sheegay wakaalada wararka ee Reuters . Waxaa lagu xukumay sagaal sano iyo lix bilood oo xadhig ah.

Sida lagu sheegay hadal uu soo saaray Stanley Kakubo oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Zambia, dowladda Zambia ayaa 9-kii bishii November kaliya loo sheegay in Nyirenda la dilay inkasta oo uu dhintay 22-kii September.

Saraakiisha Zambia ayaa hadda dalbanaya in la ogaado sida arday la xidhay uu ku tegay furimaha hore ee dagaalka.

“Marka la eego horumarkan murugada leh, Dowladda Zambia waxay ka codsatay mas’uuliyiinta Ruushka inay si deg deg ah u soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan xaaladaha muwaadinkan reer Zambian, oo xabsiga Moscow ku jiray, sida loogu qori karo inuu ka dagaalamo Ukraine oo uu naftiisa ku waayo. ,” ayuu yidhi Kakubo.

Ruushka ayaa hore ugu baaqay Maxaabiista siideynta iyo ballan qaad lacageed oo loogu talagalay boqollaal maxaabiis ah si ay ugu beddeshaan dagaalka ka dhanka ah Ukraine. Taasi ayuuna aaminsan yahay Edwin Nyirenda oo ah aabaha Nyirenda, in ay ku dhacday wiilkiisa.

.

Meydka Nyirenda ayaa loo gudbiyay magaalada ku taal dhanka galbeed ee xuduuda ku taal ee Rostov-on-Don halkaas oo ay aqoonsan doonaan qoyskiisa oo loo diyaarin doono in dib loogu celiyo Zambia.

Leave a Reply