Miyuu Wadnuhu Ka Da’wen yahay Jidhka?!

0
208

Dhakhaatiir wadnaha ayay su’aalo ku weydiiyay bulsho dhinac Internetka taasi oo ahayd in qofku ogaado caafimaadka wadnihiisa iyo weliba da’ad rasmiga ah ee wadnihiisa. Marka ay soo saaraan baadhista waxay qofka siinayeen talooyin caafimaad. Waxa kale oo daraasadani xidhiidh la lahayd dhererka, da’da, miisaanka, heerka dhiiga iyo dhaqanada khariban ee qofku leeyahay.

Waxaana ku lamaana su’aalo xidhiidh la leh cudurada wadnaha ee qoysku hiddo u leeyihiin haddii ay jiraan.  Dhakhaatiirta hawshan curiyay ayaa siinayay dadka talooyin inay miisaanka dhimaan, xanuunada hayana iska daweeyaan, waxa kale oo ay qofka u sheegayeen xanuunada ku dhici kara haddii aanu talooyinka ay siiyeen qaadan.

Natiijada barnaamijka ka soo baxday ayaa ah in  78% dadkii ka qeyb qaatay ay ogaadeen in wadnahoodu uu ka da’weyn yahay da’dooda caadiga halka 34%  ay ogaadeen in 5 sano wadnahoodu uu ka da’weyn yahay, halka 14% ay ogaadeen in cimrigooda caadiga ah uu wednahoodu ka da’weyn yahay. 10-sano.   (afriqa-sat.com)

Leave a Reply