“Basharku Isagaa Og Naftiisa”

0
315

Waxba ku anfaci mayso amaanta kuwa wax amaana, marka ay kugu sheegaan wax aanad ahayn.  Sidoo kale dhaleecaynta kuwa wax dhaleecaya waxba ka dhimi mayso haddii aanad lahayn xumaanta ay kugu sheegeen.

Si kasta oo Aadamigu u wanaagsan yahay waxa jira kuwo neceb , xataa Anbayadi Allah (sw) may wada jeclayn dadku.  Si kasta oo Aadamigu u xumaadana waxa jira kuwo jecel, xataa Fircoon iyo Namruud qaarbaa jeclaa.

Mudraf Binu Cabdilaahi ayaa yidhi :” Imaam Malik Binu Anas ayaa igu yidhi “ Maxay dadku igu sheegayeen”?!.   Waxaan ku idhi :”  Saxiibdu waa ay ku amaanayeen, cadowguna wax buu ka sheegayay”.

Imaamka Maalik waxa uu yidhi :” Dadku waa sidaasi , Allah (sw) waxa aan ka magan galay in ay carabadoodu midoobaan”.

Waxaana uu Imaam Maalik Allah (sw) ka magan galay in ay dadku wada amaanan oo uu ku dagmo, ama ay wada dhaleeceeyaan oo arrimaha ay ku sheegayaan qaakood laga helo!

Leave a Reply