Somaliland: Ilmo 48 Saacadood laysaga Gudbiyay laba Gobol xaalad caafimaad darro darteed

0
151

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, ilma yar oo 48 saacadood laysaga gudbiyay laba gobol, kadib markii ay nafaqa darro heshay, si adeeg bixin caafimaad loogu helo, kaas oo laga soo qaaday degaanka Hadayta ee hoostaga degmada Lughaya ee gobolka Selel, isla markaana dirawalkii loo diray uu keenay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Mastaafada intaas le’eg in ilmahaasi la soo wado isla markaana loo soo kala gudbiyo labadaasi gobol waxa xuddun u ah iyada oo aanay habayaraate inta u dhaxaysa labadaa gobol aanay lahayn, xarun caafimaad oo u qalabaysan daryeelka iyo daawaynta dadka, siiba haweenka iyo carruurta.

Adeeg bixinta caafimaad ee degaanada hoos yimaada gobollada Awdal iyo Selel waa kuwo aad u liita, isla markaana meelaha qaar aanay kaba jirin xarumaha caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka.

Cabdiraxmaan Dayib Ugaas waa mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka gurmadka deg dega ah ee hay’adda Save The Children, 11 sano ayuu ka shaqaynayay badbaadinta hooyada iyo dhallaanka ee degaanada Miyiga gobollada Awdal iyo Selel.

Cabdiraxmaan ilmayar oo nafaqo darro hayso ayuu ka qaaday degaanka Hadayta oo hoostaga degmada Lughaya ee gobolka Selel, in ku dhaw 48 saacadood ayay ku qaadatay soo qaadista ilmahaasi, degaanada uu soo marayay malaha xarumo caafimaad oo lagula tacaalo ilmaha yar ee ku dhacday nafaqa darradu.

Ubadka inta aan loo haynin gaadhi lagu qaado oo goob caafimaad lagu geeyo xaaladooda caafimaad waalidkooda ayuunba la daaladhaca.

Jidka loo marayo degaanada ku teedsan gobollada Awdal iyo Selel waa kuwo laga maro dhib badan isla markaana u baahan in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii loo dhisilahaa ee wax looga qabanlaha.

Hooyo Shukri Boodhle oo ah hooyada dhashay umusha wiilka yare e nafaqadarradu hayso ayaa siweyn uga dayrisay xaalada caafimaad ee degaanka ay ku nool yihiin ee Hadayta.

Haddab xukuumadda Somaliland, wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo hay’addaha ka shaqeeya adeeg bixinta caafimaadka, qurbajoogta, maamulada heer gobol iyo heer degaanba waxa loo baahan yahay sidii ay isaga xil saarilahaayeen xal u helista xaalada caafimaad ee degaanada hoos yimaada gobollada Awdal iyo Salel si looga maarmo caruurta mastaafada dheer la soo qaadayo si xarumo caafimaad loogu raadiyo.

Cabdiraxmaan Dayib wadaha gaadhiga gurmadka deg dega ah ee hay’adda Save The Children, waxa uu sheegay in dadka adeeg bixinta caafimaad ay u sameynayaan ee loogu soo qayliyo ay dhib fara badan ka maraan soo qaadistooda, taasi oo uu xusay in ay sabab u tahay jidka la marayo oo xun darted.

Waxaanu yidhi.“Shalay 12:00-kii duhurnimo ayaan ka baxay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanan tagey degaanka Hadayta oo hoos yimaada degmada Lughaya, waxaan ka soo qaaday ilmo yar oo nafaqo-darro ay ku dhacday.

Xalay waxaan galay 9:00-kii habeenimo, isla markiibana waan soo kala jeediyay, hadda oo ay saacadu tahay 11:00-kii duhurnimo, walina maan gaadhin magaalada Borama, jidkana waa ka u dhaxeeya Qulujeed iyo Borama, cisbitaalka guud ee magaalada Borama meel aan ahayn oo ilmahan dabiib caafimaad loogu sameyn kara ma jiro, sababto ah maba laha goob u diyaarsan degaanada hoos yimaada labada gobol ee Awdal iyo Salel meel carruurta lagu daweeyo.

Jid la’aan ayaa sababtay oo keentay in mudada intaas le’eg aan u kala socdo Hadayta iyo Borama, xukuumadda Somaliland waxa aan ka codsanaya in ay naga dhisto jidka isku xidha gobollada Awdal iyo Salel, kaas oo dhib fara badan ay ka maraan wadayaasha gaadiidku.

Markii hore jidka Baki ayaan ka wareegay, hadda qofkii ayaa aad u xannuunsanaya oo lama soo wareegi karo, ee waxaan soo maray jidkan Boon, marka waxaa aanu codsanayna in jidka nalaga sameeyo, si haweenka iyo caruurta aanu u samata bixino oo hore u gayno goobaha adeeg bixinta caafimaadka”

Hooyo Shukri waa 60 jir, iyada oo ka murugaysan adeeg la’aanta caafimaad ee ka jirta degaanka ay ku nooshahay, waxa ay xukuumadda Somaliland ka codsatay in loo sameeyo jidka isku xidha gobollada Awdal iyo Salel, si ay dhibaato la’aan ugu yimaadaan magaalada Borama oo ah goobta ay adeeg bixinta caafimaad u soo doontaan.

Waxaanay tidhi.“Umasha hooyadeedbaan ahay,  dirawalka gaadhigan gurmadka deg dega ah wada ayaa ILLAAHEY noo soo diray, wakhti dheer ayay nagu qaadatay in aanu halkan soo gaadhno, waxa dib noo dhigeyna waa jid la’aan mar hore ayaa haddii aanu waddo haysano aanu ilmahan yar dhigilahayn cisbitaalka.

Degaanka aanu ka nimid waa Hadayta oo hoostagta degmada Lughaya ee gobolka Salel, malaha xarumo caafimaad oo u diyaarsan in lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka ay nafaqadaradu hayso, waxaanu ka codsanayna dawladda Somaliland in nalo-sameeyo jid la soo mariyo kaayagii xannuusanaya, taayadii umula, ilmihii naga xannuunsada”

Isku soo wada xooriyo dadka ku nool degaanada hoos yimaada gobollada Awdal iyo Sallel, oo uu booqday barnaamijka caafimaadka ee Wargeyska Dawan, waxa ay u baahan yihiin xarumo hooyada iyo dhallaanka ah, iyo goobo adeeg bixintooda caafimaad lagaga marmi karo xarumaha adeega caafimaad bixiya ee jidka dheer loo marayo.

Leave a Reply