Tartanka Horyaalka Horyaallada: Maaliyadda Boorama oo Dirqi kaga Badisay Goodir Togdheer

0
177

Kulan ciyaareed ka mid ah tartanka horyaalka horyaallada Somaliland (Somaliland Champion Play-Off) ayaa shalay ka dhacay garoonka kubadda cagta ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa Staduim, ciyaartan oo dhexmartay kooxaha Maaliyadda Boorama iyo Goodir Togdheer ayaa ahayd ciyaar aad u adag, isla markaana xiiso badan.

Qaybtii hore ee ciyaarta bilawgiiba kooxda Maaliyada Boorama ayaa dhalisay gool ay hogaanka ciyaarta ku qabatay, waxaanay ciyaarta ka dhigeen 1-0.

Kooxda Goodir Togdheer oo iyada lafteedu u muuqatay koox aan dhayal lagaga haysan karayn gool ayaa daqiiqado ka dib keentay goolkii barbar dhaca, kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku idlaatay 1-1 ay kooxaha Maaliyadda Boorama iyo Goodir Togdheer ku qaybsadeen dhibcaha.

Isku soo laabashadii qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood lasoo galeen dardar ay muujinayeen dardaarankii macallimiintooda.

Waxaanay kooxda Maaliyada Boorama mar labaad keeneen goolkoodii labaad, kaasoo ay qaybtii dambe ee ciyaarta ku qabteen hogaanka markale, waxaanay ka dhigeen ciyaarta 2-1.

Dabayaaqadii ciyaarta ayay awooddooda muujiyeen kooxda Goodir Togdheer waxaanay si qurux badan u dhaliyeen gool ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

Ciyaarta ayaa daqiiqadii caadiga ahaa ee 90-ka minit ku idlkaatay 2-2 ay isla dhaafi waayeen kooxaha Maaliyadda Boorama iyo Goodir Togdheer.

Ciyaartan ayaa loo dhigay labada kooxood ee Maaliyadda Boorama iyo Goodir Togdheer gool-kulaag, ka dib markii ay isla dhaafi waayeen 2-2.

Gool-kulaaga labada kooxood ayaa waxay guushu ku raacday kooxda Maaliyadda Boorama oo 4-3 kaga guuleysatay kooxda Goodir Togdheer.

Leave a Reply