Adkaysiga Iyo Gaadhida Yoolka!

0
250

Noloshu waxay qiimi ku leedahay markaad u dhabar adaygto dhibaatooyinka ku soo waajaha , hadaad noqoto qof niyad jab dhow oo guuldarada aan liqi karin ma gaadhaysid hadafka iyo yoolka aad leedahay.

Inta aad ku jirto jidka ku gaadhsiinaya guusha waxa ka hor imanaya caqabado kala duwan oo ah kuwo adag iyo kuwo fududba.

Adkaysigaasi ayaa ah gaadhida guusha, waa inaanad niyad jabin, murugoon oo aanad sii jiifin halkii aad ku dhacday laakiin waa inaad kacdo. Guushu maaha halkii ugu danbaysay, fashilkuna marka uu kugu dhaco maaha dhimisho laakiin waa dhiirgelinta inaad sii wado dadaalka.

Leave a Reply