Marakaneecooyin daaweysan oo loo Qaybiyay qoysas ku nool magaalada Boorama

0
294

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda UNICE iyo Afayooko, ayaa magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ka bilaabay qaybinta Marakaneecooyin Daaweysan oo gaadhaya  160 kun oo xabo kuwaas oo loogu talo galay in lagaga hortago xannuunka kaneecada.

Isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Awdal Dr. Mustafe Xuseen Aadan, iyo Dr. Cabdi Cabdillaahi Cali, madaxa xafiiska xakamaynta xannuunka Kaneecada ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka loo qaybiyay Marakaneecooyinkan Daweysan

Dr. Mustafe Xuseen Aadan, isu duwaha wasaaradda caafimaad ee gobolka Awdal, ayaa sheegay in Markaneecooyinkan daaweyn laga qaybiyay 18 xarumood oo ku yaala gudaha magaalada Borama.

Waxaanu yidhi.“Magaalada Borama ay ka bilaabmayso qaybinta Marakaneecooyinka, iyada oo muddo toban cisho la waday diwaangelinta guryaha magaalada.

Hadda 18 goobood ayaanu ka bilownay qaybinta Marakaneecooyinka oo degmada Borama ah, 18-ka gooboodna si fiican ayay bulshadu u qaadanayaan, waxaanu ku rajjo weynahay in gurikasta oo ku yaala magaalada uu Marakaneecadan qaadan doono,”

Dr. Cabdi Cabdillaahi Cali, madaxa xafiiska xakamaynta xannuunka Kaneecada, ayaa sheegay in qaybinta Marakaneecooyinkan la bilaabay kadib markii la soo hubiiyay guri kasta inta qof ee ay ku dhacday xumada Kaneecadu.

Waxaanu yidhi. “Markii laga soo warbixiyay dadka xannuunsanaya ee magaalada Borama, isla markaana dadka Kaneecadu ay hayso ee magaalada dagani ay bateen, waxa laga maarmi waayay wixii ka hortag iyo daaweyn ah in la qabto, tobanka cisho ee la diwaangelinayay gurikasta waxa la siiyay lambar, kaas ayuu la imanayaa waxaana la hubbinayaa in uu goobtiisi leeyahay iyo in kale,”

Qaybinta Marakaneecooyinkan daaweysan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalka oo dhan ka jirto xumad daran taasi oo ay sababtay Kaneecadu, sida ay sheegeen khuburada caafimaadku.

Xumada Kaneecada ayaa cisbitaalada seexisay bulsho badan oo yar iyo weynba leh, halka kuwa kalena ay ifka ka kaxeysay.

 

Leave a Reply