Baadheyaasha Saldhigyada Caasimadda Hargeysa oo Tababar loo Furay

0
244

Hargeysa(Dawan):- Taliska guud ee ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa tababar u furay baadheyaasha saldhigyada caasimadda Hargeysa.

Tababarka loo furay Baadheyaasha ayaa la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta baadheyaasha saldhigyada caasimadda si loo  helo baadheyaal ku habboon shaqada ay bulshada u hayaan.

Gaashaanle Sare Cabdisalaan Sheekh Ismaaciil iyo Gaashaanle Dhexe Cabdisalaan Caydiid Cumar,oo ka hadlay furitaanka tababarka loo qabtay baadheyaasha saldhigyada caasimadda Hargeysa,ayaa iftiimiyay sida loogu baahan yahay in la helo baadheyaal aqoontoodu sarrayso.

Taliye Cabdisalaan Caydiid Cumar oo ka hadlayay tababarka u furmay baadheyaasha saldhigyada Caasimadda Hargeysa,ayaa yidhi. “Maanta(shalay) waxaynu imtixaan ka qaaaynaa dambi baadheyaasha caasimadda oo dhammaystiran,imtixaankaas waxaa looga gol leeyahay dhawr sababood, in la eego dambi baadheyaasha dadka u shaqaynaya heerkooda aqooneed qoraalkooda iyo akhlaaqdoobada in la eego,caasimaddda marka laga boxona waxaa la tegi doonaa gobolada.

Dadkan aynu bulshada horgeynay ee u shaqaynayaa aqoon intee leeg oo ay dadka ugu shaqeeyaan ayay leeyihiin.”

Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaaciil oo isna furitaankii tababarkaas ka hadlay ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ba taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland in uu waay idb u habayn lagu samaynayay waaxyaha kala duwan ee ciidanka booliska dalka si kor loogu qaado adeegga ay bulshada u hayaan ciidanka boolisku.

“beryahanba wuxuu waday taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland dib u habayn lagu samaynayo waaxyaha kala duwan ee ciidanka booliska oo ay ka mid tahay baadhista aynu hadda u fadhino,baadhistu waa tiirka koobaad ee ay ka soo unkanto caddaaladu ee ay hadhaw ku kala baxaan qofka eedaysanaha ah iyo qofka dhibbanaha ahi maadaama loo baahan yahay caddaalad dhammaystiran waa in  kor loo qaadaa heerka aqooneed ee baadheyaasha dalka oo dhan.”

Leave a Reply