Maxaa Sababa Niyadjabka Iyo Werwerka

0
262

Daraasad lagu baahiyay mareegta Psychological Counseling oo ay sameeyeen koox cilmi baadhayaal Ruush ah ayaa cadaysay in qofku marka uu xaasid noqdo ay noloshiisa waxyeelo weyn soo gaadhayso.  Daraasadda ayaa muujisay xaasidnimada uu si dhow ugu xidhan yahay doonista  qofku inuu noqdo mid dhammeystiran, taasi oo sababaysa in aanu ogolaan in qof kale ka sareeyo ama ka fiicnaado.

 

Cilmi-baadhayaasha ayaa xaasidnimada ka dhigay laba nooc mid “wax dhista” iyo mid “wax dumisa”. Iyadoo tan wax dhistaa ay qofka ku keento inuu  naftiisa horumariyo si uu u gaadho dadka ka sareeya, halka tan wax dumisa uu qofka xaasidka ahi uu ku dhaqaaqayo falal khariban oo dadka ka sareeya u qaadayo, waxaana taasi  ay ku keenta xanuuno nafsaani ah oo dhinaca maskaxda ah oo horseeda shaki iyo waali buuxda.

Khabiirka Marina Sorkova oo aqoon sare u leh xisaabta ayaa sheegay in mudadii ay wadeen baadhista dadkii ay ku arkeen xaasidnimada ay arkeen inay la dhibaataysan yihiin niyad jab, iyo xanuuno maskaxda ah, taasi oo ay sababtay iyagoo doonaya inay noqdaan dad dhamaystiran iyo in aanay dadka kale waxba helin.

Khubaradii daraasaddan diyaariyay ayaa ku taliyay in qofku uu ku dadaalo inuu naftiisa horumariyo, si quluubta dadka kale iyo jaceylkooda u hanto, iyo weliba inuu ka dheeraado in uu qofku raadiyo inuu noqdo mid dhammeystiran, maadaama ay dhibaatooyin badan oo xaasidnimadu ka mid tahay ay ku lammaan yihiin.

Leave a Reply