Xildhibaan soo Jeediyay in loo Gurmado Bulshada Maanka ka Bukta

0
318

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ka codsaday in loo gurmado dadka aan xuskoodu dhammeyn, ee dariiqyada lugaynaya, kuwa gidaarada jiifa, kuwa meelaha biyo mareenada ah hurda.

Xildhibaan Barkhad waxa uu soo jeediyay in loo iibiyo bustayaal ay ka huwadaan dhaxanta daran ee habeenkii maadama oo la galay xilligii dhaxanta.

Waxa uu bulshada ku baraarujiyay in isku tashi dadka Maanka ka buka ee ILLAAHEY xuskoodii ka qaaday wax loogu qabto, isla markaana loo diirnaxo.

 

Waxaanu yidhi.“Qofkasta oo ILLAAHEY xuskiisii ka qaaday waxa aanu ALLE uga baryayna in uu u soo celiyo,  waxaad arkaysa inay lugaynayaan, inay dariiqyada marayaan, inay gidaarada badhkood seexdaan oo ay u hoydaan.

Waar aynu isku tashano oo bulsho ahaan bustayaal dadkaasi aynu gaadhsiino, oo dadka danyarta dhaxamaha aynu ka asturno, ILLAAHEY cadaabihiisa haynaga hayo, danbeeganana ALLE ha dhaafo, aynu ugurmano walaalaheena maanka ka buka”

Hadalkan xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa ku soo beegmaya xilli lagalay bilihii ay dhacayeen dhaxamaha iyo qabowga daran, oo dariiqkasta oo aad marto aad ku arkayso dadka Maanka ka buka iyo carruurta darbijiifta ah oo iyaga oo aad moodo qori qalalay gidaarada dabada kulawada jira.

Leave a Reply