Hooyadii Geesiyadda Ahayd!

0
109

Markii uu wiilka yari ku soo noqday gurigooda, waxa uu hooyadii gacanta  ka geliyay warqad ay usoo dhiibeen maamulka Dugsigu hoose ee uu dhiganayay isagoo ahaa fasalka 3aad. Iyadoon  hadal ayay akhris ku bilowaday, waxa yar ka dibna waxay ka ilmaysay qoraalka warqadda.

Waxaana ku qoraa “ Wiilkaagani waa Qabi (Nacas) aan waxba fahmin, waan soo erinay mar danbe looma ogola inuu ku soo noqdo dugsiga” . Waxay goosatay markiiba inay wiilkeeda gurigeeda wax ku barto, xaqiiq ahaana waa ay samaysay oo hirgelisay go’aankeeda, markii uu weynaadayne waxay la kaashatay qaar ka mid ah macalimiinta oo ka caawiya mudooyinka aanay iyadu awoodi karin.  Wiilkaasi yari waa Thomas Edson oo maanta dunida caan ka ah.

Markii hooyadii dhimatay Thomas Edson wuxu ahaa ragga dunida ugu curin badan fikradaha cusub.  Maalin isagoo baadhaya sanduuqii hooyadii lahayd ayuu ka soo saaray waraqad ay ku qorayd ““ Wiilkaagani waa nacas aan waxba fahmin, waan erinay mar danbe looma ogola inuu ku soo noqdo dugsiga” .  Maalintaasi  Thomas wuxu ooyay saacado badan, waxaana uu ku qoray xusuus qorkiisa “  Thomas Edson wuxu ahaa Qabi aan waxba fahmin, laakiin deeqda hooyadiisa yaabka lahayd ayaa ka dhigtay hal abuure lala amankaagay”.  Thomas Edson waa ninka soo saaray laambada dunida maanta u baxaysa ee laydhka, iyo aalado kale oo badan. Aqoontii aan hagrashada lahayn ee hooyadii ayaa ka dhigtay hanada dunida wax ku soo kordhiyay oo caan ka noqday.

 

 

Leave a Reply