Joogtaynta Horumarka iyo Bulshooyinka!

0
121

Jamhuuriyadda Naura waxa ay ku taalla badda baasafiga, waxaana ay koonfur ka xigtaa dalka Austerlia. Bedka jasiiradda Nauru waxa lagu qiyaasay 21M2 . Waana dalka dunida ugu  dhulka yar.   Waa jasiirad ay ku noolaayeen dad sabool ah oo kaluumaysato ah laakiin farxad badan, oo dhaqan wanaagsan, waxaana loo yaqaanay  jasiiraddii farxadda.

Markii gumaystihii reer Yurub dunida qaybsadeen waxa gumaystay  Jarmalka ka hor dagaalkii koowaad. Dagaalkii labaadna waxa gumaystay dalka Japaan oo waayadaasi dawlad xooga ahaa.

Markii Japan dagaalkii lagu jebinayay waxa dib u gumaystay dalalka Ingiriiska, Newzeland iyo Austerlia.  Sanadkii 1900  Sir Albert Fuller Ellis  oo ahaa wakiilka macdanta Phosphate Ingiriiska ee Newsealand ayaa ogaaday in macdanta Phosphate ay ku jirto,  taasi oo wakhtigaasi ahayd mid qaali ah loona adeegsan jiray beeraha iyo wershadaynta, laakiin dawladdii Ingiriiska aya guran jirtay oo aan u oglayn inay iyagu faa’iidaan.

Jasiiradda Nauru waxay xoriyadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska sanadkii 1968.  Waxaana ay bilaabeen inay ka faa’idaystaan macdantaasi.

Tirada dadka ku nool oo dhan 10 kun qof , waxaana ay noqdeen dhamaantood kuwo maalqabeen ah, sanadkii 1974 waxa macdantan uga soo xerooday dakhli dhan 225 milyan doller, taasi oo dhamaantood ka dhigtay maalqabeeno.

Waxa qof kasta helay guri iyo dhamaan wixii uu uga baahna nolosha, caafimaad, waxbarasho, laydhka, biyaha iyo xataa shaqaale u adeega. Waxa kale oo la baabiiyay dhamaan cashuurihii ay dawladu muwaadinka ka qaadi lahayd nooc kasta.   Heerka ay  ka gaadheen tijaarada dadka jasiiraddu, qofka haddii  gaadhigiisu ka xumaado badda ayuu ku tuuri jiray waxaana uu macradka ka soo qaadan jiray mid cusub.

Waxaana bulshadan saboolka ahayd bilbeen kibir  iyagoo xafladaha joogto ka dhigtay, xataa madaxwyenaha dalka ayaa xafladaha ka heesi jiray. Waxa kale oo ay caado ka dhigteen Dhaqano xunxun oo hore mamnuuca uga ahayd jasiiradda.

Markii ay 20 sano wareerkaasi ku  jieen waxay ku war heleen in godkii phospahet uu maydhay, maadama aanay phosaophetku joogto ahayn. Waxaana is bixin waayay dakhliga dalka, markaasi oo dawladdu ku dhowaaqada waxa kasta oo keenaya dakhli kordhin sida inay maafiyada dunida u ogolaato inay dalkeeda la yimaadaan a lacagaha ay soo dhacaan.  Maantana saboolnimadii hore ayay ku noqotay iyagoo dadka ku nooli ay  yihiin kaluumaysato oo ah sidii awowyashood  u noolaayen.

 

Leave a Reply