Morocco oo Dhirbaaxo Weyn ku Dhufatay Xulka Shayaadiinta Cascas ee Belgium

0
231

Xulka Morocco ayaa guul taariikhi ah oo aanay ilaawi doonin ka gaadhay xulka lagu naaneyso Shayaadiinta Cas Cas ee Belgium iyagoo ku garaacay 2-0.

Morocco oo barbaro ku bilaabatay Koobka Adduunka ayaa baadigoobeysay guusheedii ugu horeysay Koobka Adduunka ee muddo ka badan 20 sannadood.

Ciyaarta qeybteedii hore ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, laakiin tababaraha xulka Morocco ayaa bedelo sameeyay qeybtii labaad taasoo wax weyn ka bedeshay ciyaartoyda.

Sabiri oo bedel ku soo galay ayaa hogaanka u dhiibay Morocco daqiiqadii 73aad ka dib markii uu Courtois kaga hormaray kubad laad xor aheyd oo la soo qaaday, iyadoo dabaaldega goolka uu ruxay garoonka.

Belgium ayaa goolka ka dib isku dayaysay inay ciyaarta ku soo noqoto, laakiin weerarkeeda waxa uu ahaa mid aan ilko laheyn oo bilaa natiijo ah.

Morocco ayaana ciyaarta hurdo u dirtay waqtigii dhimashada ciyaarta markii xiddiga kale ee bedelka ku soo galay Aboukhlal uu shabaqa meel kore ka toogtay ka dib kubad loo soo celiyay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Morocco ku suuldaartay xulka Belgium oo halis ku jira haatan inkastoo ay badiyeen kulankoodii furitaanka ee Group F.

Morocco ayaa gaadhay guusheedii ugu horeysay ee Koobka Aduunka tan iyo 1998kii, waana guushoodii 3aad abid ee Koob Adduunka inkastoo ay ciyaareen 18 kulan.

Leave a Reply