Waxay ahayd in Talyaaniga loo ogolaado Koobka Adduunka xataa iyaga oo hadhay”

0
231

Xulka qaranka Talyaaniga waxay ahayd in loo ogolaado in uu si toos ah uga qayb-galo Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar oo aanu xataa isreeb-reeb usoo gelin, sida uu ku dooday xiddiga khadka dhexe ee Federico Bernardeschi.

Talyaaniga ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah ka maqan Koobka Adduunka oo ay isreeb-reebka kaga hadheen. Sannadkii 2018 ayay Sweden ku reebtay isreeb-reebka, waxaanay sidaas kaga maqnaayeen Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddanka Ruushka, halka sannadkanna uu reebay dalka yar ee North Macedonia.

Xulka qaranka Talyaaniga oo afar jeer ku guuleystay Koobka Adduunka, ayna ugu dambaysay sannadkii 2006, ayaa waxa labada sannadood ee is-xiga ee ay ka maqan yihiin Koobka Adduunka ay taageereyaashoodu u arkaan inay ku tahay ceeb, sababtoo ah taariikhda ay ku leeyihiin kubadda cagta dunida oo ay labadii qarni ee u dambeeyey hormood u ahaayeen.

Federico Bernardeschi oo ka mid ahaa xiddigaha xulka qaranka Talyaaniga ee awoodi waayey inay usoo gudbaan Koobka Adduunka, ayaa waxa waraysi uu siiyey wargeyska La Gazzett dello Sport uu ku sheegay, in dalkiisa lagu qaldamay oo ay ahayd in marka horeba ay si toos ah uga qayb-galaan Koobka Adduunka oo aanay isreeb-reeb soo gelin maadaama ay ku guuleysteen Euro 2020.

“Way na dhaawacaysaa [ka maqnaanshaha Koobka Adduunka], sababtoo aha waxa aan rumaysanahay in aanu u qalmaynay in aanu ka qayb-galno, waddamada afarta jeer ku guuleystay Koobka Adduunka awaxay ahayd inay si toos ah u tagaan.” Ayuu yidhi Federico Bernardeschi.

Waxa uu kusii daray: “Bal ka fikir in aniga oo ah horyaalka Yurub aanan waligay ciyaarin Koobka Adduunka.”

 

Leave a Reply