Putin oo la kulmay qaar ka mid ah Hooyooyinka Askarta dagaalamaysa

0
183

Ruushka Vladimir Putin ayaa jimcihii dhaleeceeyay wax uu ku sheegay inay yihiin warbaahin qalloocan oo si kale u muujinaya ololaha militari ee Moscow ka wado Ukraine. Putin ayaa sidaa sheegay markii uu la kulmay hooyooyinka askarta Ruushka ee ka dagaalamaya Ukraine.

“Noloshu way ka duwan tahay, kana adag tahay waxa lagu soo bandhigo shaashadaha TV-yada ama xitaa internetka, waxaa jira been abuur badan, khiyaamo, been laga sheegayo sida wax u jiraan,” ayuu yidhi Putin.

12 haween ah oo metelaya Hooyooyinka Askarta ayuu la kulmay Putin iyada oo ay weli jirto hubanti la’aan dagaalka ah iyo in isdiiwaangelinta askarayntu ay dib u bilaaban karto iyada oo ay weli jirto dib u dhacyadii ugu dambeeyay ee goobihii dagaalka.

Putin waxa uu sheegay in mararka qaar uu si toos ah telefoon kula hadlo ciidamada, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Kremlin-ka iyo sawiro kulanka haweenka ah.

“Waxaan la hadlay [ciidamada] kuwaas oo dareenkoodu iga yaabiyey, sida ay u dhaqmayaan. Iyaga oo aan filayn wicitaanadaas.

Qaar ka mid ah qaraabada askarta ayaa ka cawday inaan lagu casuumin kulanka, waxayna si toos ah u dhaleeceeyeen hoggaanka Putin iyo sidoo kale dib u dhaca ciidanka ee sababay in loo yeedho 300,000 oo kayd ah.

Olga Tsukanova oo ka tirsan Golaha Hooyooyinka iyo Xaasaska, oo ah dhaqdhaqaaq ay sameeyeen qaraabada askarta la soo ururiyey, ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay iska dhego-tireen su’aalo iyo codsiyo ay u direen ururkeedu.

Olga Tsukanova ayaa tidhi “Waxaan joognaa Moscow, diyaarna waanu u nahay inaan kula kulanno, waxaan sugeynaa jawaabtaada,” iyadoo si toos ah ula hadlaysay Putin.

Warar aan la xaqiijin oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Ruushka ayaa soo jeediyay in haweenka la kulmay Putin Jimcihii ay xubno ka ahaayeen dhaqdhaqaaqyada bulshada ee taageera Kremlin-ka ah iyo ururada bulshada maxalliga ah ee taageeraya xukuumadda Putin.

Valentina Melnikova oo iyaduna ka tirsan Midowga Guddiyada Hooyooyinka Askarta, oo ah urur u dooda xuquuqda Ruushka, ayaa u sheegtay wargeyska madaxa banaan ee Verstka horaantii todobaadkan in xubnaha ururka aan sidoo kale lagu casuumin kulanka.

Tan iyo bishii Oktoobar, qaraabada askartii la soo ururiyay waxay abaabulayeen mudaaharaadyo ka dhaca in ka badan toban gobol oo Ruush ah, iyaga oo ugu baaqaya mas’uuliyiinta inay qaraabadooda ka soo celiyaan safka hore iyo inay hubiyaan inay haystaan ​​cunto, hoy iyo qalab ku habboon.

Leave a Reply