Taageerayaasha Japan ee nadiifinaya garoonka iyo goobaha ay isticmaalaan

0
199

Aragtida taageerayaasha Japan ee qashinka bacaha in ay ka ururiyaan Koobka Adduunka ka dib ciyaarta – guul ama guuldarro – had iyo jeer waxay la yaabaa kuwa aan Japan ahayn. Ciyaartoyda Japan waxay caan ku yihiin inay sidaas oo kale ay hagaajiyaan qolkooda labiska ee kooxdooda: iyaga oo wax kasta sii hagaajiya, tuwaalada meeshooda dhiga, sagxada sii nadiifiya, iyo xataa inay ka tagaan qoraal mahadnaq ah.

Dhaqankan ayaa falaqayn ka abuuray baraha bulshada Koobka Adduunka ee Qatar, laakiin taageerayaasha iyo ciyaartoyda Japan waxay sameeyeen waa wax caadi ah. Waxay sameynayaan waxa dadka Japan intooda badan sameeyaan – marka joogaan guriga, dugsiga, shaqada, ama waddooyinka, magaalooyinka waa weyn oo dhan waa sidaa: Tokyo ilaa Osaka, Shizuoka ilaa Sapporo.

“Dadka Japan, tani waa wax caadi ah in la sameeyo,” tababaraha Japan Hajime Moriyasu ayaa yidhi. “Marka aad baxdo, waa inaad ka tagtaa meel ka nadiifsan sidii hore, taasi waa waxbarashadii nala soo baray, taasi waa dhaqanka aasaasiga ah ee aan leenahay, annaga, wax gaar ah naguama aha.”

Afhayeen u hadlay Xidhiidhka Kubadda Cagta Japan ayaa sheegay in ay keenayaan 8,000 oo jawaano qashinka lagu guro ciyaarta ka dibna ay u soo qaadan, iyada oo ay la socdaan farriimaha “Mahadsanid” oo ku qoran Carabi, Jabbaan, iyo Ingiriisi.

Barbara Holthus, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga bulshada oo tobankii sano ee la soo dhaafay ku qaatay Japan, ayaa sheegtay in nadiifinta iskaa wax u qabsada ah ay wax weyn ku tahay dhaqanka Japan.

“Japan waxa caado ah in aad mar walba aad qashinkaaga u sii qaadi guriga, sababta oo ah ma jiraan wax qashinka lagu rido waddada”. Sidaa waxa tidhi Holthus. “Waxa lagu bilaabaya nadiifinta fasalkaaga, Ilmaha oo aadu da’ yar wuxuu baranayaa in uu mas’uul ka yahay nadaafadda goobtaada.”

Qaar badan oo ka mid ah dugsiyada hoose ee Japan ayaan lahayn shaqaale ilaaliye, markaa qaar ka mid ah hawlaha nadaafadda ayaa loo daayaa ardayda yaryar. Shaqaalaha xafiisyadu waxay inta badan u huraan saacad si ay u kobciyaan aaggooda.

“Qeyb ahaan waa dhaqan, laakiin sidoo kale qaab dhismeedka waxbarashadu waxay ku tababarayeen wakhti dheer inaad taas sameyso,” ayey ku daray Holthus.

Kani waa koobkii adduunka ee toddobaad oo isku xigta oo Japan ay qabato, nadiifnimadooda waxay bilaabeen inay war ka soo saaraan koobkii adduunka ee ugu horreeyay ee 1998-kii ee Faransiiska.

Ciyaaraha Olombikada 2020 ee lagu qabtay Japan may dhicin tan oo kale waayo taageerayasha ayaa ka maqnaa garoomada masiibada COVID-19 awgeed.

Tokyo waxay leedahay weelalka qashin dadweyne oo aad u yar. Laakiin dadka ayaa nadiifinaya waddooyinka, waxay u badbaadinayaan degmooyinka kharashaadka qashin qaadka, waxayna ka ilaalisaa cayayaanka.

Midori Mayama, oo ah wariye u dhashay Japan oo Qatar uga qeyb galaya Koobka Adduunka, ayaa sheegay in taageerayaasha qashinka uruurinaya aanay sheeko xiiso leh ka ahayn dalkii hooyo, laakiin ay sheeko cusub u tahay kuwa aan Japan ahayn.

Leave a Reply