Goolhaye Andre Onana oo Hadlay, ka dib Markii laga Caydhiyey Xulka Cameroon

0
344

Goolhayaha xulka qaranka Cameroon ee Andre Onana ayaa ka baxay aamusnaanta kaddib markii shalay laga caydhiyey xulkiisa ee laga saaray liiska qaranka laguna amray inuu dib ugu laabto waddanka Cameroon, taas oo keentay inuu maanta gellinkii hore ka duulo Qatar oo uu u baxo magaalada Paris ee Faransiiska oo uu usii dhaafi doono Cameroon.

Andre Onana ayaa shalay lagu wargeliyey in laga caydhiyey xulka  ka hro ciyaartii Serbie, waxaana go’aankaas gaadhay tababare Rigobert Song oo la sheegay inay ku murmeen qolka labbiska  dhaxdiisa, isla markaana uu goolhayahani u muujiyey ixtiraam-darro.

Goolhayahan oo u ciyaara Inter Milan ayaa hadda qoraal ku daabacay bartiisa Twitter-ka, waxaanu ku yidhi: “Waxa aan doonayaa in aan idiin soo bandhigo in aan jecalahay dalkayga iyo xulka qaranka.

“Shalay la iima ogolaanin inaan garoonka imaddo oo aan caawiyo Cameroon, sidii aan mar walba samayn jiray, si uu xulku u gaadho ujeeddooyinkiisa.

“Anigu waxa aan mar walba u dhaqmaa si aan kooxda ugu hoggaaminayo inay gaadho guul. Waxa aan dedaalkayga iyo tamartayda oo dhan iskugu geeyaa sidii aanu ku heli lahayn xaalado uu inta badan ciyaartoygu soo maro, laakiin ma jiri doono wax kale oo aan sameeyo. Mararka qaarkood waxa yimaadda arrimo adag.

“Si kastaba, anigu mar walba waan ixtiraamaa oo aan taageeraa go’aamada dadka maamulka haya, si xulka iyo dalkuba guul u gaadho.”

Andre Onana ayaa sidoo kale sheegay inuu garab taagan yahay xulka qarankiisa oo uu ciyaartoyda taageerayo, sidoo kalena uu sharaf  iyo karaamo u arko inuu u ciyaaro dalkiisa oo uu ku metelo fagaareyaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Andre Onana ayaa maanta  ka dhoofay magaalada Doxa waxaanu ka degay Paris oouu usii dhaafi doono dalkiisa Cameroon.

Xidhiidhka kubadda cagta Cameroon ayaa xalay war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in arrimo anshax xumo looga saaray Onana xulka qaranka, isla markaana uu go’aanka gaadhay tababare Song, si uu u ilaaliyo isku-duubnida iyo wada-jirka ciyaartoyda xulka qaranka dalkaas.

Leave a Reply