Xulka Brazil oo Koobka Adduunka ka Sameeyay Rikoodh Soo Celiyay Xusuustii 1998-kii

0
213

Xulka qaranka Brazil ayaa xalay u gudbay wareegga 16ka Koobka Adduunka iyaga oo waliba dhigay rikoodh ay dunida ugu dambaysay Koobkii Adduunka ee sannadkii 1998kii lagu qabtay Faransiiska. Garoonka Stadium 974 ayay Brazil guul 1-0 ah kaga gaadhay Switzerland iyadoo Casemiro uu goolka maddiga ah u saxeexay dhaamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay.

Brazil ayay u ahayd maarkii koowaad ee ay kulan ka tirsan Koobka Adduunka ka guuleysato Switzerland oo 70kii sannadood ee ugu dambeeyey ay ku dhibaatoonayeen inay guul ka gaadhaan. Koobkii Adduunka ee 1950kii ayay isku group noqdeen, waxaanay ku kala baxeen 2-2, halka sannadkii 2018 ay sidoo kale isku group ahaayeen oo ay barbarro 1-1 ah ku dhamaysteen.

Casemiro ayaa noqday halyeyga Brazil ee soo afjaray inkaartii ka haysatay Switzerland, waxaana uu dhaliyey gool qurux badan, iyadoo sidoo kalena uu farsameeyey gool kale oo ay VAR diidday oo uu saxeexay Vinicius Junior.

Goolkan guusha siiyey Brazil waxa kubadda dhinaca bidix kasoo dhisay Vinicius Junior oo usii dhiibtay saaxiibkiisa Real Madrid ee Rodrygo oo isaguna iskusii dhaafiyey Casemiro oo si xarrago leh u dhamaystiray. Goolhaye Sommer ayaan wax fursad ah u helin inuu joojiyo laadka 30 jirkan xoogga badan.

Rikoodh cajiib ah ayaa guusha Brazil ay ka gaadhay Switzerland laga diiwaangeliyey, waana mid aan laga arag Koobka Adduunka intii ka dambaysay sannadkii 1998kii. Labadii ciyaarood ee Brazil ay dheeshay ee Switzerland iyo Serbia, ma jirin hal mar oo si toos ah goolkooda loo toogtay oo kubadda lagu beegay goolhaye Alisson Becker, waxaanay noqdeen dalkii koowaad ee labadii ciyaarood ee ugu horreeyey Koobka Adduunka aan goolkiisa laad toos ah lagu tooganin tan iyo sannadkii 1998kii, waqtigaas oo Faransiiska aan goolkooda la tooganin labadii kulan ee ugu horreeyey. France ayaa sannadkaas ku guuleystay Koobka Adduunka oo ay finalkii ku garaaceen Brazil.

 

Leave a Reply