Koulibaly oo Shaaciyey Farriintii uu ka Helay Sadio Mane ee Sababtay inuu Dhaliyo Goolkii Senegal ugu Gudubtay Wareegga 16-ka

0
336

Kalidou Koulibaly ayaa xulka dalkiisa Senegal u diray wareegga 16ka Koobka Adduunka, kaddib markii uu dhaliyey gool kulankii Ecuador ay 2-1 ku garaaceen xalay. Goolkan uu dhaliyey ka hor, waxa Kalidou Koulibaly uu farriin ka helay xiddiga dhaawaca kaga maqan xulka qaranka dalkaas ee Sadio Mane.

Difaaca Chelsea oo ay u ahayd ciyaartiisii 67aad ee xulka qaranka dalkiisa uu u safto, ayaa waxa markii uu goolka dhaliyey uu soo qaatay sawirka halyeygii xulka qaranka dalkaas ee Papa Bouba Diop oo laba sannadood ka hor geeriyooday, ka dib markii uu ku dhacay xanuun halis ah oo burburiyey muruqyada lugihiisa, kaas oo ugu dambayntii uu u geeriyooday.

Koulibaly oo la filaayay inuu ciyaarta ka dib xuso Sadio Mane oo ah xiddiga labaad ee ugu wanaagsan dunida sannadkan, isla markaana dhaawacmay maalmo ka hor Koobka Adduunka, ayaa waxa uu sheegay, in aanu xusuustiisa ka bixin Papa Diop oo ka mid ahaa xiddigihii Senegal ee wacdaraha ka dhigay Koobkii Adduunka 2002.

Waxa kale oo uu Koulibaly sheegay in uu farriin ka helay Sadio Mane ka hor ciyaarta, waxaana uu u sheegay inuu ku kalsoon yahay oo uu waliba rumaysan yahay inay usoo gudbi doonaan wareegga 16-ka, isaga oo dhiirigelin muhiim ah uga dhigayay ciyaartoyda xulka.

Koulibaly ayaa sidoo kale xusay, in Sadio Mane uu muhiim u yahay, laakiin ay xul ahaan yihiin sidii qoys kaliya oo isku-tiirsan, waxaana uu sidoo kale xusay inay ku kalsoon yihiin inay u gudbi doonaan wareegga siddeedda, inkasta oo ay isku dhaceen England oo ay wareegga 16ka wada ciyaari doonaan.

Leave a Reply