Gabadhii ugu Horeysay ee Garsoore ka Noqonaysa Koobka Adduunka oo la Shaaciyey Kulanka ay Qabanayso

0
308

Taariikh cusub ayaa laga qori doonaa Koobka Adduunka marka ay Stéphanie Frappart soo qaadato siidhiga ciyaarta adag ee xulalka Costa Rica iyo Geramny, taasoo xidhiidhka kubadda cagta FIFA uu u doortay inay garsoore ka noqoto.

Stéphanie Frappart oo u dhalatay Faransiiska ayaa ka mid ah saddex dumar ah oo ay FIFA ugu yeedhay Koobka Adduunka ee sannadkan.

Ciyaarta adag ee Costa Rica iyo Germany oo labadoodba midkooda badiyaa uu fursad u heli doono inuu usoo gudbo wareegga 16-ka, ayaa waxa Stéphanie Frappart ay ka noqon doontaa garsoorihii ugu horreeyey ee gabadh ah ee qabata ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka.

Stéphanie Frappart oo ka mid ahayd garsooreyaasha u diiwaangashan FIFA tan iyo sannadkii 2009, ayaa waxay shaqada garsoorka kusoo jirtay illaa markii ay da’deedu ahayd 13 jir, waxaanay leedahay khibrad badan oo sababtay inay ka mid noqoto garsooreyaasha horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1 iyo sidoo kale heerka labaad ee Ligue 2 oo ay isagana kulamo badan ka  qabatay.

Sannadkii 2019, ayay Stéphanie Frappart noqotay gabadhii ugu horreysay ee dhaxdhaxaadisa ciyaar ka  tirsan horyaalka Faransiiska, saddex sannadood  kaddibna waxay nasiib u yeelatay inay Koobka Adduunka ka samayso taariikh cusub oo ay noqoto gabadhii ugu horreysay ee garsoore ka noqota.

Hore waxay usoo qabatay kulamo waaweyn, sida Champions League iyo tartamada maxalliga ah ee horyaalka Faransiiska.

Stéphanie Frappart ayaa waxa sannadihii 2019, 2020 iyo 20222 ay noqotay garsooraha ugu wanaagsan adduunyada ee dumar ah

Leave a Reply