Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo la Kulmay Safiirka Dawladda Denmark

0
186

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed oo uu  weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay Safiirka Cusub ee Dawladda Denmark ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Arimaha Soomaliya, Ambassador Steen Sonne Anderson, oo booqasho yimi dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa war bixin ka siiyey Safiirka iyo Weftigiisa Xaaladda guud ee amni ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasiirku u sheegay Weftiga in ay Somaliland tahay meesha ugu nabadgelyo fiican marka loo eego Manqada Geeska Afrika, nabadaasoo ku timi dedaalka Dawladda iyo Iskaashiga Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee Nabada jecel.

Sidoo kale Wasiirka ayaa uga waramay Horuumarka ay Somaliland ku tallaabsatay 30 kii sano ee u danbeeyey, iyadoo aan gacan ka helin adduunka, balse Horuumarku ku yimi wax wada qabsiga Dawladda iyo shacabka, iyadoo Somaliland ay u taagan tahay nabad iyo horuumar.

Dhinaca kale Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka hadlay dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda buuxda ee ka jirta Somaliland, isagoo Wasiirku sheegay in ay diyaariyeen dhammaan wixii dhinacooda ahaa sida dhaqaalaha iyo Amniga intaba, iyadoo Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, ay dhameeyeen hawsha Ururada, ayna u gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Safiirka cusub ee Dawladda Denmark ayaa isna ugu mahadnaqay Wasiirka sida wanaagsan ee uu u qaabilay, isagoo sheegay in Dawladda Denmark la shaqaynayso Dawladda Somaliland, dhinaca horuumarka iyo Dumuqraadiyada, isagoo Safiirku Somaliland ku ammaanay nabadgelyada iyo horuumarka ay gaadhay.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday is faham buuxa oo labada dhinac ah

 

 

 

 

 

Leave a Reply