Biyuhu Siyaasad ma Galaan KULMIYE’ WADDANI iyo UCID Midna Maaha.”Maareeye Daarood

0
409

Hargeysa-(Dawan):- Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Mudane. Maxamed Cali Daarood,ayaa sheegay in biyuhu ay yihiinadeeg bulsho isla markaana aanay wax shaqo ah ku lahayn siyaasad oo ay ka madax bannaan yihiin.

Waxaanu intaa raaciyay in aanay Biyuhu ahayn KULMIYE’WADDANI iyo UCID.

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay dardaarn uu hore u faray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo markii uu Maareeyaha xilkaa u dhiibay faray in uu biyaha iyo siyaasaddana kala illaaliyo umaddana u adeego.

 

Waxaanu sidaa ka sheegay mar uu shalay la kulmay gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland oo u yeedhay masuuliyiinta wakaaladda Biyaha Hargeysa.

 

Guddoomiyaha Guddida Joogtada Guurtida Mudane. Dayib Xasan Axmed ayaa sheegay in masuuliyiinta Wakaalada Biyaha loogu yeedhay inay shaqadii ay Qaranka u hayeen warbixin ay ka  siiso gudida

 

Kulanka Guddida Joogtada ee Guurtidu ugu yeesheen Maareeye Maxamed  ayuu warbixin guud ka siiyey xaaladda guud ee biyaha Caasimada Hargeysa, iyo qorsheyaashooda mustaqbalka.

 

Maareeye Maxamed oo kulankaa ay ku wehelinayeen masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha ayaa sheegay in wejigii koobaad ee ballaadhinta biyaha la furay 10-kii October 2022, hawlihii biyo-gelinta magaaladuna socdaan, wejiga labaad ee dhammaystirka hawshuna socoto.

 

Waxuu u soo jeediyey dadka muxsiniinta ah ee sadaqada la baxa inay ku darsadaan biyaha, maadaama ay yihiin aasaaska nolosha, waxaanu ugu baaqay inay ku deydaan sida qof muxsin ah oo hore u ballanqaaday inuu shan boqol oo kun ku bixin doono, lacagtiina qeyb baanka dhexe ku shubay.

 

Maareeyaha Biyaha oo ka jawaabayay su’aalo xildhibaanada Guurtidu weydiiyeen ayaa sheegay in biyuhu ka madaxbannaan yihiin arrimaha siyaasadda iyo xisbiyadda, waxaanu yidhi,

“Biyuhu siyaasad ma laha, KULMIYE maaha, WADDANI maaha, UCID maaha. Qorshaha Wakaaladdu ku shaqeyso siyaasadda way ka madaxbannaan tahay. Madaxweynuhu qorshuhuu ugu talogalay ee aan ka wada hadalnay waa biyaha iyo siyaasada kala ilaaliya, ummadana u shaqeeya.

 

Dawlad ahaan iyo ummad ahaan waxa inoo taal hannaankii biyaha hoose lagu ilaalin lahaa,” ayuu sheegay Maareeye Maxamed.

Gudoomiyaha Guddida Joogtada Mudane Dayib ayaa oo u mahadceliyey sheegayna inay golaha Guurtida gaadhsiin doonaan warbixinta Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa

 

 

 

 

Leave a Reply