Aqoon U Yeelo 10 Cunto oo ka Hortaga Cudurka Baabasiirta

0
469

Barnaamijkeena toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona toban cunto oo ka hortaga xannuunka babaasiirta.

Baabasiirku waa cudur ku badan bulshada Soomaaliyeed, laakiin nasiib wanaag, waxaa looga hortagi karaa ama lagu daawayn karaa cunnada dabiiciga ah.

Cudurka baabasiirka waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka dabada, marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxaa yimaada babaasiir.

 

Maxaa sababa cudurka baabasiirka?

Waxyaalaha ugu caan ee sababa baabsiirka waxaa ka mid ah; calool istaagga, shubanka   iyo uurka, sidoo kale xannuunka babaasiirta ka yimaada uurka caadi ahaan wuu iska tagaa ka dib marka ilmuhu dhasho.

Calaamadaha cudurka baabaasiirta.

Dhiig la arko saxarada kadib

Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon

fadhiga oo qofka dhiba

Cunnadee uroon cudurka baabasiirka?

Waxaa jira cunnooyinka loo adeegsado ka hortagga iyo daaweynta baabasiirta, cunista cunnooyinka qaniga ku ah faybarka (fibre) iyo cabbista biyo badan waa labada shay ee lagula dardaamo dadka qabo cudurka baabasiirka.

Hadaba sii akhri si aad wax badan uga ogaato cunnooyinka la dagaallama baabasiirta u dhug yeelo kuwan hoos ku qoran.

Digirta:

Digirta waxaa ku badan faybar iyo nafaqooyin kale oo aasaasi ah, digirtu way sahlan tahay in calooshu shiido, waxayna ka hortagtaa calool istaagga.

Muuka:

Muuska waxaa ka buuxa faybar, wuxuu jilciyaa saxarada taas oo fududaynaysa inay gudubto, cunista muuku waxay khafiifisaa xanuunka iyo dhiig baxa uu baabasiirtu keeno.

Tiinka (figs):

Midhaha tiinku waxaa ku badan faybar, waxay ka hortag u yihiin calool fadhiga iyo in qofka calooshu istaagto.

 

 

 

Baamiyaha:

Baamiyuhu wuxuu uroon yahay yahay dheefshiidka, caloosha ayuu jilciyaa, mindhicirradana wuxuu ku caawiyaa qashin saarka, wuxuu kaloo ka hortagaa cudurka baabasiirta

 

Baytaraafka:

Baytaraafka waxaa ku badan faybar wuxuu ka hortagaa calool istaagga iyo baabasiirka, bayaraafku wuxuu caawiyaa in qashinku si fudud oo aan xanuun lahayn uga gudbo mindhicirrada.

Baytaraafka waxaa ku jirta maado lagu magacaabo “Betacyanin” oo ah midda u samaysa midabkiisa taas oo faa’ido u leh maaraynta cudurka baabasiirka.

Babaayga:

Babaayga waxaa ku jirta maado la yiraahdo “papain” oo ka hortagta calool istaagga, sidoo kalewaxa  babaayga ka buuxa fitamiinno iyo nafaqooyin faa’ido u leh dadka baabasiirta qaba.

Boorashka:

Boorashku waa cunno nafaqo badan oo ka hortaga baabasiirka, waxaa ka buuxo faybar sidaas darteed wuxuu badiyaa oo u jilciyaa qashin saarka caloosha.

Timirta:

Timirtu waxa ay leedahay faybar oo caloosha ka caawiya ka hortagga calool istaagga iyo in qofku si dhib yar u qaado xannuunka babaasiirta.

Biyaha:

Dad ayay muhiim in biyo badan la cabbo si looga hortago in calooshu ku istaagto,  sidoo kale cabbitaannada furuutka waxay ka hortagaan  babaasiirta, waxaana laga helaa fitamiinno iyo macdano tiro badan.

Leave a Reply