Madaxweynaha Kenya oo ka joojiyey shaqada xubno katirsan guddiga doorashada

0
478

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa shaqada ka joojiyay afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada, oo diiday inay ansixiyaan natiijadii doorashadii madaxtinimo ee u danbeysay, taas oo keentay guushiisa.

Ruto ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in maxkamad uu madax u yahay garsoore ay baadhitaan ku sameyn doonto afartan mas’uul, oo lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga, kuna kaceen anshax-xumo weyn iyo xil gudasho la’aan, taas oo keeni karta in ugu dambeyn laga eryo xilalka ay hayeen.

Balse hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, ayaa ku tilmaamay tallaabada Ruto inay tahay qorshaha dowladda, ee ku aadan musuq maasuq lagula kacayo doorashada soo socota, ee dhacaysa sanadka 2027-ka.

“Afartan qof ayaa la qasbayaa, sababta oo ah Ruto iyo maamulkiisa waxay doonayaan in is bedel ku sameeyaan IEBC, oo ah [guddiga doorashada Kenya] oo ay ka buuxiyaan calooshood u shaqaystayaasha lagu qaribo doorashada 2027. [Ruto] wuxuu rabaa inuu ku shubto doorashada 2027 2022,” ayuu yidhi Odinga.

Ku dhawaaqista Ruto ee maxkamadda, ayaa daba socota soo jeedintii golaha qaranku ee ahaa in shaqada laga joojiyo guddiyada doorashada, sababo la xidhiidha hab-dhaqankooda intii lagu guda jiray doorashada Ogosto ee sanadkan.

Ruto ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada, kadib markii uu si dirqi ah uga adkaaday musharaxii la tartamayey ee Odinga, oo helay 50.5% codadkii la dhiibtay.

Laakiin afar ka mid ah toddobadii guddiga doorashada, oo uu ku jiro guddoomiye ku-xigeenka, ayaa sheegay in tirinta codadka ay ku jiraan khaladaad, natiijadana ay tahay “mid mugdi uu hadheeyey”.

 

Leave a Reply