Madaxweyne Ramaphosa oo ay ku soo baxday fadeexad culus

0
236

Mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa gabi ka laad-laada, kaddib markii Jimcihii ay ku soo baxday fadeexad la xidhiidha inuu beertiisa ku qariyay lacago la soo xaday.

Shacabka Koofur Africa ayaa is weydiinaya su’aasha ah, ma is casili doonaa mise xukunka ayuu kusii dhaganaan doonaa?

Khamiistii, waxaa aad loo hadal hayay inuu aad ugu dhaw yahay in madaxweyne Ramaphosa uu xilka ka dago, kaddib markii ay isa soo tareen qeylo dhaan iyo baaqyo lagu dalbaday inuu xafiiska wareejiyo—hase yeeshee aroornimadi hore ee Jimcaha shalay ayay arrintu u muuqatay in ay waji kale yeelatay, kaddib markii ay xulafadiisa ku boorriyeen inuu dagaal siyaasadeed u galo sidii uu xilka ku xajisan lahaa.

Xisbiga talada South Africa haya ee African National Congress (ANC), kaasi oo dalkaasi soo xakumayay tan iyo dhamaadkii isticmaarka ee sannadkii 1994, ayaa shalay u fadhiyey kulan deg deg ah oo aan caadi aheyn si ay go’aan uga soo saaraan xasaraddan siyaasadeed ee kala qeybisay xubnaha xisbiga, taasi oo salka ku haysa fadaaxadda musuq-maasuq ee lagu soo eedeeyay madaxweyne Sayrik Ramaphosa.

Ramaphosa ayuu xaalka ku xumaa tan iyo bishii June, kaddib marki uu madaxii hore ee sirdoonka Koonfur Afrika ka gudbiyay dacwad ah, in madaxweynaha uu beertiisa Phala Phala ee lagu xannaaneeyo xoolaha uu ku qariyay lacago kaash ah oo la soo xaday.

Eedaha loo soo jeediyay madaxweynaha South Africa ayaa waxaa ka mid ah, in tuugadadi soo xadday lacagta uu ku qariyay beertiisa uu afduubtay, markii danbena isla tuugadaasi siiyay lacago laaluush ah si ay u aamusaan oo aanay waxba u sheegin. Ramaphosa ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay.

Guddi gaar ah oo madax bannaan oo loo xil-saaray baadhitaanka kiiskan ayaa Arbacadii soo gudbiyay warbixin ay ka soo qoreen waxyaabihii ay ku ogaadeen baadhitaankoooda.

Warbixinta ayaa sheegtay in madaxweynaha aanu booliska u sheegin inuu hayo lacago la soo xaday, sidaasi daraadeedna uu si badheedh ah u go’aansaday in lacagaha uu qariyo.

Ramaphosa ayaa ballan kula galay shacabka South Africa markii loo dooranayay xilka madaxweynaha sannadki 2018-kii, inuu soo afjari doono musuq-maasuqa Koonfur Afrika.

Haddii uu ka badbaado xil ka qaadis ay maanta ku sameeyaan xubnaha xisbigiisa ee ANC, waxa uu wali wajahayaa codka kalsoonida ee baarlamaanka, kuwaas oo xilka ka qaadi kara ama kusii heyn kara.

Leave a Reply