Asarda: Hay’ad u soo Shaqo Tagtey Gaadiid aan Waddo Haysan

0
301

Borama (Dawan) Jidka isku xidha Borama Jabuuti, Borama Itoobiya, ee mara magaalo xuduudeeda Qulujeed, ayaa ah mid aad u dhib badan ku safarkiisa, gaadiidkuna kala kulmaan rafaad, jid xumada Buuraleyda awgeed, gaadhiga laba jeer ku safraana waxa uu noqda bilaa taayiro.

Jidkan isku xidha saddexda dal oo ah jid irmaan gaadiidka isaga gooshana xadi badan yihiin ayay muddo badan naawilayeen in hay’adda horumarinta jidadka Awdal iyo Sallel (ASARDA), oo lacag maalinle ah ka qaada gaadiidka ku safra waddooyinka inay wax ka qabato, balse tobannaan sano oo ASARDA jidkaas lacag ku urursanaysay, wali waa sidii dadka iyo gaadiidkuna way ku dhiban yihiin, lacagtii maalinlaha ahaydna waalaga qaada gaadiidka.

Jidkan oo ay maalintii ku safraan boqolaal gaadhi ayay hay’adda ASARDA ee waddooyinka ee gobolka Awdal ka qaada calaa gaadhi lacag u dhiganta shan dollar, ilaa haddana ma jirto wax ay jidkaas ka qabatay.

Sida waxa noo sheegay qaar ka mida gaadiidleyda jidkaasi ku safra, oo la hadlay Wargeyska Dawan, oo hawlo shaqo u tagey gobollada Awdal iyo Sallel.

Haddaba Suuragal maaha in si fudud aad u marto jidkan isku xidha gobollada Galbeedka Somaliland, maaha inay jirto cabsi iyo cid si gaar ah walwal looga qabo inay ku dhibaatayso, balse waxa jira waddo la’aan ba’an oo saameyn ku yeelatay dirawalinta gaadiidka.

Jid xumada jirta darted ayaa ku hogga tusaaleynaya humaaga fogaan dheer, oo ku tusinaysa in jidku fiican yahya, marka aad ku dhex safrayso jidkan, isku xidha gobollada Awdal iyo Sallel, sawirka mala awaalka ahina waxa uu ku siinaya in jidkan la mari karo,  balse waxba kama jiraan markaad gaadho meeshii ka fogayd ee jidka haggaagsani kaaga muuqanayay.

Jidkan oo muhiim u ah ganacsiga iyo isu-socodka bulshooyinka, saddexda dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Itoobiya, ayay dhibaato aan indhaha laga qarsan karin ay ku qabaan wadayaasha gaadiidka iyo ganacsatada uu marinka u yahayba.

Jidkani waxa uu marin u yahay gaadiidka waa weyn ee xamuulka ah, ee bagaashka soo qaada, geeyana dalalka ay Somaliland la jaarka tahay ee Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaas oo ku kala baydha magaala xuduudeeda Qulujeed, oo kuwa ay tagaan Itoobiya, kuwa kalena Jabuuti.

Gaadiidkan ayaa laga soo rara magaalooyinka Borama iyo Tog-wajaale, balse ma haystaan jid u sahlaya inay ku sii nagaadaan.

Jidka isku xidha gobollada Awdal iyo Salel, iyo dalalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Jabuuti waxa uu uu baahanyahay gurmad deg dega iyo in la dhiso jidkani sii uu qayb uga qaato koboca dhaqaale ee ganacsatada jidkani marinka u yahay iyo bulshooyinka jidkani faa’idada dhaqaale ka hela ee ku haysta meheradaha cunooyinka.

Haddii jidkan dhismihiisu suuraglo Somaliland waxa ay ka helidoonta dhaqaale horumarka dalka wax weyn ka tari doona.

 

 

Leave a Reply