Awdal: Jid Qaraniyo xidhna oo xukuumadda Somaliland Dhisayso

0
378

Baki (Dawan) Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmiya u dhagax-dhigey jidka isku xadha magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal iyo degmada Baki ee gobolkaasi.

Jidkan oo dherarkiisu yahya 33 km, ah waxa maalgelinaya    baanka horumarinta Afrika, waxaanu soo mariyay Urur Gobolleedka IGAD, isla markaana waxa  fulinaysa hay’adda Save The Children,   iyo hay’adda waddooyinka Somaliland.

Munaasibadii lagu dhagax-dhigayay jidkani waxa goob jog ka ahaa, wasiiradda wasaaraddaha gaadiidka, ganacsiga, maalgashiga, qorshaynta, wasiir ku xigeenka warfaafinta, xanaanada xoolaha iyo maareeyaha wakaalada horumarinta waddooyinka Somaliland, maamulka heer gobol iyo heer degaan ee gobolka Awdal, xildhibaano, waxgaradka magaalada Borama iyo degaanka Baki.

Geesta kale maasuuliyiintii iyo madax dhaqameedkii, dadka degaanka ayaa siweyn u soo dhaweeyay dhagax-dhiga jidkan.

Saraakiil sar sarre oo ka socday hay’adda Save The Children, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhagax-dhiga jidkani.

 

Waxaaney yidhaahdeen.“Waxa uu gobolkani qayb ahaan u helay jidkan aynu taaganahay meesha, Borama ilaa Baki, taas oo wax weyn ka baddali doonta kaabayaasha dhaqaalaha.

Mashruucani waxa uu qayb ka yahya mashruuc balaadhan oo ay ka mid yihiin xannaanada xoolaha, biyaha iyo jidadka, isla markaana uu maalgeliyo baanka horumarinta Afrika, oo uu soo mariyo Urur Gobolleedka IGAD, isla markaana ay fulinayaan Save The Children, iyo wasaaradda xannaanada xoolaha, wasaaradda biyaha iyo hay’adda waddooyinka Somaliland,

Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa sheegay in aanu gaadiidka jidkan sameytiisa loogu talagalay aanu ka tagayn ilaa jidkani dhammaado, waxaanu intaas raaciyay in gaadiidkani yahay hanti loogu talo galay in bulshada gobollada Awdal wax loogu qabto.

Waxaanu yidhi.“Gaadiidkaasi ilaa uu dhammeystiro waddan ka dhaqaaqimaayo,  hantidani waa hanti gobolka loo keenay, sidii looga faa’idaysanlahaana in shacabku ka tashadaan”

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ay ka go’an tahay dhammeystirka Jidka isku xidha Baki iyo Borama.

Waxaanu yidhi. “Maalin walba madaxweynaha markaan la kulmo waxa uu yidhaahda jidkii Baki mala bilaabay, marka jidkan waxa ka go’an madaxweynuhu in uu dhammeystiro, muddo gaabana lagu dhammeeyo maaha wax badan,”

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro), ayaa bulshada gobolka Awdal, ugu baaqay in ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay uga qayb qaadanlahaayeen dhammeystirka jidkan mihiimka u ah bulshada magaalada Borama iyo Baki.

Waxaanu yidhi.“Maanta waxa la inooga baahanyahay dadkii aanu daynta ku lahaynowna waanu idinka sugaynaa, dayntii aanu idin gashanay, reer Awdalowna in aynu halkan u qalabqaadano ayaa la inooga baahan yahya, wixii karaankayaga ahna diyaar ayaanu u nahay, se ridada waranka lama rido haddaanu waranku raacayn, afku waxba tarimaayo ee in aynu gacan raacino ayaa loo baahan yahay, waynu soo dhaweynaynaa cidkasta oo hawshaasi ka qaybqaadanaysa”

 

 

 

Leave a Reply