“Xisbiga UCID Doorasho gali maayo oo wuu Ogyahay in aanu waxba helayn,”.Siyaasiga Baashe Cali Jaamac.

0
141

Hargeysa(Dawan):Siyaasiga Baashe Cali Jaamac ayaa ugu baaqay Xisbiyadda Mucaaradka ee Waddani iyo UCID in ay u diyaar garoobaan Doorashada Ururada Siyaasada.

Baashe Cali Jaamac oo shalay u Waramay qaar ka mid ah Warbaahinta  ayaa  sheegay in Madaxda Xisbiyadda Mucaaradka ahi ay  been u sheegayaan taageerayaashooda,waxaanu usoo jeediyay in aanay wareerin shacabka.

Baashe Cali Jaamac oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa loo dhaqaaqay furista Ururada Siyaasadda  iyo tartankoodii iyo Diwaangalintii Cabdiraxmaan Cirro Xirsi  iyo Faysal taageerayaashooda been ayay u sheegayaan waxba yaanay wareerin shacabka  ha, u diyaargaroobaan  doorashadii Ururada Siyaasada,Xisbiga UCID isagu doorasho gali maayo oo wuu ogyahay in aanu waxba helayn. laakiin labada Urur ee kale Kulmiye iyo  Waddani diyaar ayay u yihiin in ay galaan Doorashada Ururada Siyaasada, taas oo sax ah  oo shacabku sugayaan Faysal Cali Waraabe waxa uu khabiir ku yahay cayda hartiga ee taas ha ka hadlo,”.

Sidoo kale Baashe Cali Jaamac ayaa waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Biixi uu nabadayn ka sameeyay Shaqaaqadii Beelaha ee deegaamada bariga ee  uu ka soo jeedo.Waxaana uu yidhi”Deegaamada  Bariga nabadayn ayuu ka sameeyay Madaxweynuhu qabaa,il ayaa isku dilayay Nabadayntii Maxamuud Garaad wuxuu ku guulaystay iyo  Qayaad iyo Baharsame, hadeer waxaana la qabtay lixdii qof ee ugu horeeyay  dadkii dadka  layn jiray ee Magaalada Laascaanood, waxaana aan ku hambalyaynayaa Wasiirka Arimaha gudaha in uu ku guulaystay in uu qabto dadkii dadka ku  layn jiray Laascaanood,waxa aan raacayaa Xisbiga Kulmiye ee uu Madaxda ka yahay Maxamed Kaahin Axmed,”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply