H argaysa: Dawladda Hoose oo Dhammaystiray Jid Farxad Galiyay Bulshada Degmada Ibraahim Koodbuur

0
223

Hargeysa (Dawan) Tan iyo intii la doortay golaha deegaanka Hargeysa ayaa Caasimadda waxaa ka hanaqaaday dhisida wadooyin cusub, bannaynta jidad muddo badan xidhnaa oo ay bulshadu dhib ku qabeen iyo dhismayaasha biriijyo u noqda waddooyinka kaabayaal.

 

Waxa aad inta badan si maalinle ah u arkaysaa wadooyin xidhan oo la dhisayo iyo kuwa la banaynayo iyo qaar kale oo xadhiga laga jarayo.

 

Jidka halbawlaha u ah Degmada 26-juun, oo mara Sariibadda Jigjiga yar ee Degmada Ibrahim Koodbuur, ayaa golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa u u dhiseen hab casri ah isla markaana ay hadhiga ka jareen.

 

Waddadan ayaa wax wayn ka tari doonta isku socodka Magaalada iyadoo yarayn doonta samxada badan ee Xafadda Jigjiga yar iyo guud ahaan gudaha Caasimadda Hargeysa ka jirta.

 

Maaha jidkan oo kaliya jiddadka ay Golaha Deegaanka Hargaysa dhiseen, balse xaafadd kasta oo Hargeysa ka mid ah waxa ka socda dhisimayaasha waddooyin cusub iyo banaynta kuwi xidhan.

 

In Hargeysa laga hirgaliyo waddooyin casirya oo lagu nasto waxaa suuta-galiyay Cashuurta ay shacabku u bixiyaan sida hagar la’aanta ah, taasi oo ay hadda dareemeen in cashuurtii ay bixiyeen wax loogu qabtay.

Leave a Reply