Khaladka Kugu Dhaca Si Wanaagsan U Sax!

0
301

Waxay ahayd qiso ku dhacday maclimad uu  nin tuug ahi ka xaday shandad ay lahayd markii ay ka soo baxday dugsiga. Macalimadda ayaa sheegtay inuu ugu jiray mushaharkeedii iyo  dhamaan Cv-dii iyo Telefoonkeedii gacanta. Markii ay dadku kula taliyeen inay booliiska gaadhsiiso, waxa ay macalimaddu ka doorbiday inay telefoonkeeda kala hadasho, laakiin nasiib daro wuu xidhay tuugii isla markiiba.

Waxaana ay u dirtay fariin qoraal oo ahayd “ waan ogahay in baahiyi kuu geysay , dan kama lihi inaad lacagta qaadato laakiin waraaqaha aqoonsiga ee kale ee iiso celi , mahadsanid”.  Kamay helin wax jawaab ah, mar kale ayay haddana u dirtay fariintan “ Waan ogahay inaad tahay qof sharaf leh, kuma xaqirayo keliya waxaan u baahan docomentiga kale , sababta aan booliiska ugu gudbin waayay waa anigoo garanaya inay baahiyi jirto, waxase aan u baahanay wixii aan adigana  waxba kuu tarayn ee waraaqaha iyo cv-ga ah, iisoo celi, haddii aanad iisoo celina anigu marnaba kuuma gudbin doono booliiska, iigu soo dir cinwaanka ku qoran  shandada waraaqahaasi “.

Habeenkii danbe ayaa albaabka guriga ee debedda jalaskiisa la garacaay, markii ay furtayna waxay ka heshay iyagoon qofna dul joogin shandadii oo ay ku jiraan dhamaan alaabteedi ugu jirtay, ubax qurux badan iyo sanduuq nacnaca shaglaydh ahina la socdo. Weliga iska ilow khaladka gefka ah kugu dhacay oo u sax sida ugu wanaagsan, Dadku waa caadifi hadba sida loola dhaqmo ayuu usheqeeyaa, wuxu leeyahay dareen hoose oo shaandheeya weedhaha ku soo dhacaya, ugana jawaaba hadba sida uu u soo gaadhay . Aduunyadu waa ay ka buuxaan dad wanaagsan, laakiin haddii aad weydo adigu waa inaad noqoto qof wanaagsan.

 

Leave a Reply