Malaha Wanaagsan Iyo Carabka Fiican! Fircoon Iyo Aasiya!

0
197

Aasiya Bintu Masaaxim oo ahayd gabadhii Fircoon-kii daaqiga aha ayaa markii ay ilmaha yar ee Nebi Muuse (cs) ka sasabaysay Fircoon ku tidhi : “Waxa uu inoo yahay mid aynu ku indha doogsano, labadeenuba”.

Fircoon ayaa uu ugu jawaabay :” Adiga hakuu noqdo, anigu isaga wax baahi ah uma qabo”.  Nebigeena Muxamed (scw) oo faalaynaya weedha Fircoon ayaa yidhi :” Allah (sc) ayaan ku dhaartee, haddii uu Fircoon qiran lahaa in ilmaha yari uu noqonayo indha doogsii sida xaaskiisu u qirtay, sida uu iyada u hanuuniyay ayuu u hanuun laha laakiin hadalkiisa ayaa hanuunka ka xarimay oo xidhay “.

Qadarka Allah ayaa qoran, laakiin niyadda wanaajiya oo wanaag iyo khayr fisha. Qofkii loo dhiibo shaqo ee aamina in ay khariban tahay sidaasi ayuunbay noqonaysa. Qofka guursada ee naftiisu aaminto in uu yahay mid uu ku khasaaray,  sidaasi ayuu ugu guuldaraysanaya.   Malaha wanaajiya waxa laga yaaba in qofka loo raaco carabkiisa.  ( Kitaabka Rasaa’il Bogga 32)

Leave a Reply