Olole Nadaafadeed oo laga Fuliyay Dekada Kalluunka ee Berbera

0
152

Berbera (Dawan) Masuuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluumaysiga ee gobolka Saaxil iyo qaar kamid ah ganacsatada kalluumaysada ah ayaa olole ballaadhan oo lagu nadiifinayo dekadda magaalada Berbera ka sameeyay Dekada kalluumaysiga ee Berbera.

Masuuliyiintii madasha ka hadashay waxa ay bulshaweynta gobolka Saaxil ugu baaqeen in ay ka waantoobaan xashiishka ay ku daadinayaan badda iyo nawaaxigeeda.

Waxa ay xuseen in dekaddu ay tahay meesha laga soo saaro  Kalluunka ugu badan ee lagu isticmaalo gudaha magaalooyinka Somaliland iyo magaalada Berbera.

Waxaaney yidhaahdeen.“Waa hawlihii aynu ka qaban jiray gobolka Saaxil, waana hawlihii Qaranku inoo igmaday in aynu u qabano, maanta olole nadaafadeed oo aanu ka sameynay qaybta dekadda Kalluumeysiga, shaqadaasi oo ka mid ah kuwa loo baahanyahay in kalluumeysatada iyo bulshadaba laga wacyigeliyo, dekaddana waa tii ugu weynayd ee Somaliland ee laga soo saaro Kalluumeysiga, mihiimkuna waxa uu yahya in badda qashinka laga ilaaliyo”.

Leave a Reply