Oodweyne: Mashaariic Xukuumaddu Fulisay oo laga Daah Furay

0
287

Oodweyne(Dawan):- Laba Mashruuc oo xukuumaddu ka maalgelisay sanduuqa GPLG-ga ayaa laga daah furay xarunta gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne.

Labada mashruuc oo kala ah dhismaha xarunta Dawladda hoose ee Degmada Oodweyne iyo dhisme lagu kordhinayo Cisbitaalka guud ee Degmada Oodweyne.

Daahfurka labada mashruuc ee lagu qabtay Oodwayne ayay ka soo qayb galeen Guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd, Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan(Ina Warsomali side) oo ah masuulka ka socday wasaaradda arrimaha gudaha goob joogna u ahaa daah furnaanta loogu tartamay labadaa mashruuc,Maayerka Degmada Oodweyne iyo masuuliyiin kale

Cabdiraxmaan War Soomaali side oo ka hadlayay sida loogu baahan yahay in si daah furnaan iyo caddaalad ah loogu xaqsooro shirkadaha ku tartamay labada mashuuc iyo in ay labada mashruuc yihiin horumar usoo kordhay gobolka Daadmadheedh,ayaa yidhi. “labadan mashruuc waxay ka mid yihiin mashaariicda dawladdu ka fuliso  GPLG-ga waana laba mashruuc oo gobolk Daadmadheedh baahidiisa wax wayn ka taraya hadday tahay dhismaha Dawladda hoose ee degmada Oodweyne iyo hadday tahay qaybaha lagu kordhinayo Cisbitaalka guud ee degmada,waxaana loo baahan yahay in aynu si caddaalad ah ugu kala saarno shirkadaha ku tartamay oo ay u noqdaan mashaariicda aynu bixinaynaa kuwo lagu kalsoon yahay oo ay ku wada qancaan shirkahada soo codsaday kuwa guulaystay iyo kuwa laga guulaystayba.”

Waxaa kale oo halkaa isna ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd oo xukuumadda Somaliland iyo Madaxweynaha qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi uga mahad naqay mashaariicda wax ku oolka ah ee ay ka fulisay gobolka Daadmadheedh,waxaanu intaa raaciyay in ay horuamar wayn u tahay gobolka Daadmadheedh in uu yeesho dhismeyaal dawladda hoose ee Oodwayne xarun u ah oo dabaqyo ah iyo qaybaha lagu kordhimayo Cisbitaalka guud ee degmada,waxaanu intaa raaciyay in ay taasi wax wayn ka tarayso horumarka gobolka.

 

 

 

Leave a Reply