Hargeysa(Dawan):-Urur Siyaasadeedka Horseed ayaa ka hadlay Diwaaangalinta Codbixiyeyaasha ee dalka laga qaban doono 28 Bishan December.
Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay Urur Siyaasadeedka Horseed ayaa loogu
baaqay guud ahaan Shacabka Somaliland iyo taageerayasha Ururka ee Gobolada iyo degmooyinka in ay is diiwaan geliyaan oo ay qaataan kaadhka Codbixiyeyaasha,
Qoraalka ka soo baxay Urur Siyaasadeedka Horseed ayaa u dhignaa Sidan.
“Urur Siyaasadeedka Horseed waxa uu ku wargelinayaa dhammaan dadweynaha ku nool Gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ee aan hore isku Diwaangalin, rabana in codkooda ay ka dhiibtaan Doorashooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee innagu soo food leh in ay iska diwaangaliyaan Gobolada iyo degmooyinka dalka ee ay ka codayn doonaan.
Ururka Horseed waxa uu ugu baaqayaa taageerayaashiisa aan hore isku Diwaangaln in ay iska Diwaangaliyaan meelkasta oo ay joogaan,si ay u gutaan waajibkooda waddaninimo”.