Urur Siyaasadeedka Horseed oo Farriin u Diray Taageereyaashiisa

0
562

Hargeysa(Dawan):-Urur Siyaasadeedka Horseed ayaa ka hadlay  Diwaaangalinta Codbixiyeyaasha ee dalka laga qaban doono 28 Bishan  December.

Warsaxaafadeed shalay  ka soo baxay  Urur Siyaasadeedka Horseed ayaa   loogu
baaqay guud ahaan Shacabka Somaliland iyo taageerayasha Ururka ee Gobolada iyo degmooyinka  in ay is diiwaan geliyaan oo ay qaataan  kaadhka Codbixiyeyaasha,

Qoraalka ka soo baxay Urur Siyaasadeedka Horseed ayaa  u dhignaa Sidan.

“Urur Siyaasadeedka Horseed waxa uu ku wargelinayaa dhammaan dadweynaha ku nool Gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ee aan hore isku Diwaangalin, rabana in codkooda ay ka dhiibtaan Doorashooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee innagu soo food leh in ay iska  diwaangaliyaan Gobolada iyo degmooyinka dalka ee ay ka codayn doonaan.

Ururka Horseed waxa uu ugu baaqayaa taageerayaashiisa  aan hore isku Diwaangaln in ay iska Diwaangaliyaan meelkasta oo ay joogaan,si ay u gutaan waajibkooda waddaninimo”.

Leave a Reply