Beentu Waxa Ay Muujisa Fasaadka Qofka!

0
417

Beentu waa xumaan muujinaysa fasaadka qofka sheegaya waxayna shar ku tahay bulshada , qofkana waxay ku noqonaysaa denbi haddii aanay jirin baahi ku keliftay. Rasuulka Allaha (scw) waxa uu xadiis ku sheegay in aan qofka mu’minka ahi noqon Karin beenaale.

Xaasidku waa mid go’aan yar, gacan adag, oo aan kalsooni lahayn, waana taasi ta keenaysa marka fursaduhu dhaafaan in shirqool iyo xumaan kula dhaqmo inta wakhtiga ka faa’iidaysanaynsa. Isagoo af iyo addinba kaga hor imanaya. Waxaana uu xaasida qofka ka horeeya.  Gabaya Carbeed ayaa isagoo ka hadlaya wiil dadaal badan oo ay dad badani ka xumaadeen ayaa yidhi:

“ Way xaasidayaan wiilka, markii ay gaadhi waayeen dadaalkiisa”,

Gabayaagii Carbeed ee Cantrah oo caana aha ayaa isna isagoo ka hadlay xasadka yidhi: “ Xasadku kuma qaado meel sare, cadhadana laguma gaadho guul” (Kitaabka Khuluqul Muslim/Maxamed Qasali).

Waa in aanad necbaan dadka ku xaasidaya , waana in aad tixgeliso maxaa yeelay waxa ay ku arkayaan in aada digu iyaga ka wanaagsan tahay. Waxa loo baahan yahay in maskaxada laga faa’iidaysto oo hadalka badan ee beenta iyo dhawaaqa aan xasad mooyee xikmad lahayn la iska dhafo.  Oo yaan la noqon : “ Hadal been ah dheg Been ah ayaa lagu dhegaystaa”. “ FAKHRIGA FADHI LAGUMA REEBO”.

Leave a Reply