Dr. Xergeeye oo Addis-ababa tababar ugu soo xidhay Saraakiil caafimaad oo ka socda Somaliland

0
187

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo soo gaba’gabeeyay   tababar  ku saabsan  Xoojinta Maamulida iyo lafagurida  Xogta Caafimaadka   oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Addis-ababa ee dalka aynu jaarka nahaya ee Itoobiya.

Tababarkani mudadii uu socday saraakiisha xogta caafimaadka e xarunta dhexe iyo gobollada ee barnaamijka Kaaneecada.

Sidoo kale waxa saraakiishi ka soo qaybgalay tababarkii markii uu dhamaaday la faray ay siifaafiyaan isla markaana gaadhsiiyaan adeeg bixiyayaasha caafimaadka xogtii ay halkan ka qaateen.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarinlahaa aqoonta shaqaalaha wasaaradda caafimaad ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu ku hawlan tahay sidii loo helilahaa siyaasad cad oo lagu maamulo xogta caafimaadka dalka.

 

 

 

Leave a Reply