Sidee la isugu Dheeli-tiraa Shaqada iyo Nolol Maalmeedka

0
194

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona sida la isugu dheelitiri karo shaqada iyo nolol maalmeedka caadiga ah ee qofka, hadii aad dareemeysid inay dhib kugu tahay sidii aad uga soo bixi lahayd shaqadaada ganacsi adigoo qabanayaa shaqooyinka kale ee nolosha, ogow kali kuma tihid arintaas.

Dad badan ayay ku adag tahay sidii ay isugu dheelitiri lahaayeen shaqada iyo nolol maalmeedka, raac qodobadaan si aad dheelitir ugu sameysid waxa aad maalin kasta qabatid iyo nolol wanaagaaga.

Sameyso waqti adiga kuu khaas ah

Marka aad qorsheyneysid todobaadkaaga, ku dar xili aad adiga isku qorsheysay si aad ula kulantid asxaabtaada, ama aad waqti ula qaadatid qoyskaaga.

Haddii aad todobaadkaaga uu ku jiro wakhti aad u qorsheysay inaad la kulantid lamaanahaaga, waxay noqoneysaa arin aad niyada ku haysid oo aad sugeysid, waana arin kugu qasbi karta inaad xiligaas ka hor iska dhameysid howlaha lagaa sugayo si aadan u baajin balantaas, arrintaan ayaa ah mid kaa caawineysa sidi aad uga faaideysan laheyd waqtigaaga.

 

Haka mid noqon dadka maalin kasta kaca oo maydha kedibna u carara shaqada, wax yar kedibna cabasho ka keena sida aanay u heysan wakhti ay wax ku qabsadaan.

Jooji shaqooyinka kaa qaada wakhtiga iyo tamarta

Dad badan ayaa wakhtigooda ku khasaariya shaqooyin iyo dad aan faa’ido ulahayn iyaga, sida la qaadashada wakhti badan dad ka cabashada iyo xanta badan, si aad u joojisid diiradda saar sidi aad ku ogaan lahayd shaqooyinka yaryar ee xirfadaada iyo noloshaada aan kor u qaadin, kedibna yaree wakhtiga ay kaa cunaan.

Haddii aad yareysid wakhtiga aad ku lumisid baraha bulshada waxaa macquul ah inaad xili hore kasoo rawaxdid shaqada, sababtoo ah waa arin aan inta badan sameyno oo naga cuno waqti badan

Dib uga fakar waxa aad qabaneysid

Ka fakar inay jirto si kale oo loo qaban karo waxa aad rabtid inaad qabatid ee kaa cunaya waqti badan, sida shaqooyinka guriga.

Qudaarta aad rabtid makala balami kartaa qofka gada in xili kasta oo aad u baahan tahay laguugu keeno guriga, dharka aad rabtid in laguu dhaqo ama lagoo feereeyo/kaawiyadeeyo malaguugu keeni karaa guriga marka howshaas laguu qabto?

Dhaqaaqa

Waxaa inteena badan inagu adag inaan wakhti u qoondeyno jimicsiga uu jidhkeena u baahan yahay, sababtoo ah waxaa inta badan buuxa jadwalkeena maalin laha, inagoo og in jimicsiga uu kor u qaado tamarta jidhka iyo awooda aan diiradda wax ku saarno.

Ogoow nasiino yar waxey leedahay faa’ido badan

Ha u qaadan inaad u baahan tahay inaad noloshaada ku sameysid isbedel weyn si aad isugu dheeli tirtid noloshaada.

Waxaan kugula talineynaa inaad sameysid hadaf caqli gal ah, sida inaad timaadid guriga xili hore ugu yaraan hal jeer todobaad kasta.

Xitaa maalmaha mashquulka badan waxaad naftaada siin kartaa 10 ilaa 15 daqiiqo oo aad ku sameysid waxyaabaha tamartada kor uqaadi kara, sida inaad qubeysatid, akhrisid kutub ama buug, waa inaad waqti yar u qoondeysaa waxyaabaha kor u qaada farxadaada.

Warbixintan caafimaad barnaamijka caafimaadka ee Wargeyska Dawan waxa uu ka soo xigtay mareegta arrimaha caafimaadka ee Daryeel Magazine.

 

Leave a Reply