Xikmadaha

0
268
  • Waxa la weydiiyay Imaam Ahmed (Allah U Naxariitee) Qofka banii’aadamka ahi goorma ayu daal iyo shaqo ka nasanayaa ?  Waxaana uu ku jawaabay “ Marka uu lugta u horaysa Janada la galo ayuu ka nasanayaa “ Allah ha inagu arsaaqo janadiisa.
  • Nin dadkii wanaagsana ee hore ka mid ahaa ( Salafu Saalix) ayaa yidhi “ Haddii aad la kulanto, qudhaanjo godkeeda ku socota haku joogsan, adigoo dar Allah (sw) arinkaasi u samaynaya. Waxaana laga yabaa in Allah (sw) kuugu naxariisto sida aad iyadaba ugu naxariisatay.
  • Haddii aad soo marto Shimbir biyo cabaysa, iska jir inaad u dhowaato oo aad cabsi ku abuurto, adigoo arinkaasi Allah dartii u samaynaya, waxa laga yabaa in maalinta Qiyaame Allah (sw) kugu magan geliyo arinkaasi. Ha yarysan wanaaga, waayo ma garanaysid kan Jano aad ku gelyaside.
  • Qofka hagaajiya camalkiisa qarsoon Allah waxa uu hagaajiya kii muuqda, qofka hagaajiya xidhiidhka isaga Allah (sw) ka dhexeeya, Allah waxa uu hagaajiya xidhiidhka isagadadka ka dhexeeya. Qofka Aakhiradiisa u shaqaysata Allah waxa uu kaga filaada arimah aduunyadiisa.

 

Leave a Reply