Guddoomiyaha gobolka Xaysimo oo bulshada u Diray Fariin la xidhiidha udiyaargaworga Diwaangelinta Codbixiyayaasha

0
239

Xaysimo (Dawan) Guddoomiyaha  gobolka Xaysimo oo maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ku marayey Degmooyinka iyo tuulooyinka  hoos yimaada gobolkaasi ayaa kulan la qaatay bulshada ku nool degmadda Godaalo iyo degaano kale.

Guddoomiyaha ayaa markii uu halkaasi gaadhay waxa siweyn u soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada degaanadaasi, isaga oo si dhaw ugu kuurgalay xaalada dad iyo duunyo ee degaanadaasi.

Intaas kadib waxa uu guddoomiyuhu kulan dardaraan iyo wacyigelin isugu jira  oo loogu sii gogol xaadhayo diiwaan-galinta maalmaha soo socda dalka ka bilaabmi doonta  la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Godaalo waxa uu guddoomiyaha gobolka Xaysimo ugu baaqay in ay u diyaar-garoobaan diiwaan-galintaasi , si weyna ay uga qayb-qaataan.

Inta badan waxa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland looga diyaargaroobaya diwaangelinta codbixiyayaasha oo dhawaan dalka oo dhan ka bilaabmi doonta, iyada oo guddida doorashooyinku ay hadda ku hawlan yihiin tababarka shaqaalihii qabanlaha diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranka.

Dhawaan uunbay ahayd markii guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ay kala direen qalabkii iyo gadiidkii diwaangelinta codbixiyayaasha, kuwaas oo gaadhay inta badan goobihii loo asteeyay.

 

Leave a Reply