Guddida Doorashada Oo Kala Diray Kooxaha Wacyigelinta Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha dalka

0
391

Hargeysa- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay goboladda dalka u ku kala diray shaqaalihii iyo gaadiidkii ka shaqaynayey Wacyigelinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

Shaqaalaha wacyigelinta ee loo kala diray deegaamada diiwaangelintu ka socoto ee goboladda Maroodi-jeex, Awdal, Togdheer, Saaxil, Sanaag iyo Sool ayaa la filayaa inay muddo hawshaa wadaan.

Komiishaneer Axmed Timacade oo hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha u jooga gobolka Sanaa goo hadal ka jeediyey munaasibad ay shaqaalaha wacyigelinta degmooyinka gobolka Sanaag ugu kala dirayeen ayaa sheegay in gaadhi walba loo qorsheeyey deegaan uu wacigelinta ka samaynayo, sidaa darted waa inay masuuliyadda loo xilsaaray ka soo baxaan.

Waxuu kuula dardaarmay hawlwadeenada la socda gaadiidka wacigelinta in fariimaha ay bulshada u gudbinayaan ka mid tahay goobaha diiwaangelinta uugu dhow iyo qeybha dadka la diiwaangelinayo, sida dadkii kaadhadhku ka lumeen, kuwii shahaadada haystay, kuwa gaadhay da’da qaandhaadhka, iwm.

Cuqaasha gobolka Saaxil qaarkood oo ka hadlay hawlaha is-diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ayaa sheegay inay si wanaagsan hawlahu u socdaan, bulshaduna diyaar u tahay inay kaadhadhka diiwanagelinta qaataan.

 

 

Leave a Reply