Somaliland Way ka Go’an Tahay Ilaalinta Bedqabka iyo Amniga Muwaadiniinta” Baaq loo Diray Beesha Caalamka

0
207

Hargeysa (Dawan)- xukuumada ayaa caalamka gaadhsiisay inay ka go’an tahay ilaalinta bedqabka iyo nabadgelyadda Muwaadiniinteeda .

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu sheegay in xukuumadu si weyn uuga xun tahay xaalada ka taagan magaalada Laascaanood iyo dilalka loogu geysanayo dadka haldoorka Somaliland.

Dadka lagu dilayey magaalada Laascaanood 10-ki sannadood ee u dambeeyey waxa ka tirsanaa saraakiil xukuumada, hay’adaha garsoorka, kuwa amniga iyo madaxda gobolka Sool.

Dedaalo kala duwan oo hay’adaha amaanka iyo sirdoonka Somaliland sameeyeen ayaa lagu ogaaday in dilalka qorsheysan ee gobolka ka dhaca ka dambeeyaan ururka argagaxisada ee al shabaab.

Qoraalka Wasaaradda Khaarajiga ayaa lagu sheegay in dadkii falalka geystay qaarkood ganacta lagu hayo, kuwo kalena baadhistoodu socoto.

Dhinaca kale waxa qoraalka lagu deedafeeyey sheegashada Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland oo ku jjira kicin dadweyne iyo dagaalo ka qaxa xuduudaha barriga Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa hoosta ka xariiqday in JSL aanay marnaba u dulqaadanayn in meel lagaga dhacdo madaxbanaanideeda, iyo xuduudaheeda dhuleed.

Horumaro kala duwan oo Somaliland ku talaabsatay, sida ka qeyb ahaanshaha xeerka Difaaca Maraykanka, heshiiska DP World iyo heshiiska sahaminta shidaalka ee Genel Energy iyo shirkada CPC ee dalka Taiwan, waxay guulahaasi keeneen in maamulada deriska la ah Somaliland iyo kooxaha argaxisadu oo is-garabsanaya ay abaabulaan falalka argagxisada ee laascaanood ka dhacay.

Qoraalka ayaa lagu soo xidhay in dawladda Somaliland ka go’an tahay ilaalinta bedqabka iyo nabadgelyadda Muwaadiniinteeda, waxaanay qaadaysaa talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo amniga JSL.

 

 

Leave a Reply