Gudoomiyaha Hay’adda Tayadda oo dhaqangeliyey calaamada Tayadda Agabka

0
182

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa soo saaray wareegto uu ku dhaqangelinayo calaamada Tayadda Agabka.

Qoraal shalay ka soo baxay Hay’adda Dhawrista Tayadda kuna saxeexan yahay Gudoomiye Mukhtaar ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixgelinayo qodobadda 26aad iyo 28aad farqadiisa 4aad ee xeer lr, 68/2014 , isla markaana eegaysa heerarka ay soo mareen daraasadahii iyo marxaladahii heertayeedyadda, si loo ilaaliyo caafimaad-qabka bulshada Somaliland.

Haddaba, hay’adda dhawrista Tayaddu waxuu ku wargelinayaa ee dalka wax ka soo saara, iyo kuwa soo dejiya in loo diyaariyey calaamadii tayadda agabka (quality mark), taasoo la siin doono ganacsatada buuxiya shuruudaha calaamada.

Qoraalka gudoomiyaha Hay’adda Tayadda Md. Muuse ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 1 January 2023 la dhaqangeliyey calaamada tayadda agabka, habraaca loo bixinayana laga helayo xarunta Hay’adda dhawrista Tayadda.

 

 

Leave a Reply