Jaaliyadda Somaliland ee Yurub oo Jawaab adag u diray Maamulka Soomaaliya

0
418

Stolkhom (Dawan)- Dallada guud ee Jaaliyaddaha Somaliland ee qaarada Yurub, ayaa si adag uga jawaabay hadallada soo noqnoqday ee ay Soomaaliya ku sheegato Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay jawaabtoodu daba socotay war ay dhawaan Maamulka Muqdisho ku carqaladaynayeen mashruuca Shidaal-qodista ee dalka laga bilaabayo.

Dalladan oo Magaceeda loo soo gaabiyo SSE, ayaa waxay si faahfaahsan ugu sharaxeen xaqiiqada dalnimo, dawladnimo iyo qadiyaddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo far waaweyn ku xardhay sugnaanshiyaha khariidaddeed ee Dalka, nidaamka qaran ee ku jira iyo sida ay wakhtigan uga fogaatay marxalad lagu wiiqi karo xiqdiga iyo xaasidnimada Maamulka Soomaaliya la daba socdo.

SSE waxa ay sidaasi ku sheegeen warsaxaafaddeed ay soo saareen maalintii Sabtida ee 31 bishii December, kaasoo ay shalay nuqul kamida soo gaadhsiiyeen Wargeyska Dawan.

Warsaxaafaddeedka ayaa u dhignaa sidan:- โ€œ Hadaanu nahay dalladda guud ee xidhiidhisa jaalliyadaha qurbo joogga Somaliland ee Yurub, (Somaliland Society in Europe) SSE, waxaanu halkan bayaan sharci oo cad kaga jawaabaynaa qoraal ka soo baxey dawlada Somaliya 28/12/2022 qoraalkaas oo ay Somaliya ku sheeganeysey in wadanka Somaliland yahay iyaga qayb ka mid ah iyo sidoo kale carqaladeyn ku aadan mashruuca qodista shidaalka Somaliland. Hadaba waxaanu halkan ku cadeyneynaa in aaney Somaliya nidaam sharci iyo mid awood dawladeedtoona ku sheegan karin wadanka Somaliland waayo Somaliland waa wadan madaxbanaan, sababtoo ah dib ula soo noqoshada madaxbaanida qarimada gooni isu taaga Somaliland ee 18 May 1991 kii waxay ku saleysantahay taariikhi sharci ah – Taas oo ah mid ka soo bilaabantay taariikhdeedii gumeystaha 1884 kii oo ay Somaliland aheyd gooni ( British Somaliland Protectorate) sidoo kalana ay Somaliland xorimada qaadatey 26 jun. 1960 isla iyo markaana ay noqotey wadan madaxbanaan oo keligii xor ah lana yidhaahdo somaliland , sida xaqiiqadu tahayna Somaliland waxay si iskeed ah u gashey midowgii dhicisoobey ee masiibada ahaa ee ay Soomaaliya la gashey 1960kii kaas oo aan aheyn sharci sababta oo ah ma jiro wax heshiis rasmi ah oo ay kala saxeexdeen labada dawladood ee isku biirayey-Tusaale 1) ma jirin baarlamaan laga ansixiyey 2) Ma jiro maxakamd sare oo laga ansixiyey 3) ma jiro qaraar UN-ta ka soo baxay oo cadeynayaa. Madax-bannaanida qaranimada Somaliland waxaa aqoonsaday in ka badan 30 waddan, iyada oo Somaliland ay Boqortooyada Ingiriiska la gashey heshiisyo caalami ah oo loo marey hab ah laba dawladood oo siman, kuwaas oo wali ka diiwaangashan UN-ka qodobka 102-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay (UN under Article 102 of the UN Charter .) sidoo kale waxaa si gaar ah u xaqiijiyey labadii qaybood ee xeerarkiiisku daygii midowga Somaliland iyo Soomaaliya (versions 18 of the Act/law of Union of Somaliland and Somalia ) oo labaduba caddeeyeen inay Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba waddan oo madax-bannaan. 1. Dhulka Somaliland Somaliland iyada oo adkeynaysa madaxbannaanideeda iyo jiritaankeeda waxay soo ceshatey xuduudaheedii hore ee wakhtigii gumeystihii hore ee Ingiriiska isla iyo markaana ay xorimada dawladnimo ku qaadatey Somaliland ,sidaa darteedna kuma xadgudbeyso mabda’a- uti possidetis – iyo in la ilaaliyo xuduudaha hore ee afrika ee gumeysiga iyo madaxbanaanida – taas oo ku xusan Sharciga Wadatashiga ee Midowga Afrika (Kalfadhiga Qaahira, UAR, laga bilaabo 17 ilaa 21 Luulyo 1964). –Consultative Act of the African Union (Session in Cairo, UAR, from 17 to 21 July 1964) Sideedabana Seddex bay u qaybsamaan qaranimada dawladaha aduunku kuwaas oo kala ah (A ) de jure state (B) de facto state (C) failed state Somaliland waa de facto state oo ah dawlad jirta laakiin ictiraaf haysan. Soomaaliya waa failed state oo ah dawlad fashilantey 2. Jiritaanka qaranimada Somaliland Qadiyada sharicinimo ee jiritaanka qaranimada somaliland iyo ictiraafkeedu waa mid la mid ah wadamada afrikaanka ah ee la midoobey wadankale hadana mar kale la soo noqdey dawladnimadooda sida – โ€ข Masar iyo Suuriya waxay hal mar ku midoobeen Jamhuuriyadda Isutagga carabta ( United Arab Republic (1958 โ€“ 1971) waxayna ukala baxeen markale Masar iyo Suuriya โ€ข Senegal iyo Mali waxay ku midoobeen hal wadan oo la magac baxay Fรฉdรฉration du Mali (1959 – 1960). misana way kula baxeen midowgaa. โ€ข Senegal iyo Gambiya waxay ku midoobeen wadan la magac baxey Confederation Sรฉnรฉgambia (1982 – 1989). wayna kula baxeen, mana jiro wadan la kulmey dhibaato iyo ictiraaf raadin wadan waliba wuxuu dib ula noqdey qaranimadisii sidaa daraadeed somaliland qaranimadeeda iyo ictiraafkeedu kuma xidhna wadahadala somaliya iyo somaliland waana mid u taala beesha caalamka iyo gaar ahaana bulshada somaliland go’aamadeeda iyo dadaalka hadba ay muujiyaan. Somaliland waxay fulisay dhammaan shuruudaha dawladnimada sida kuwii loo dejiyey Shirweynihii Montevideo (1933 Montevideo Convention ) kaas oo ah:– โ€œQaran ahaan amaba dawladi waa in ay yeelataa sharciga caalamiga ah ee shuruudahan soo socdaโ€: (a) Dadweynaha joogtada ah; (b) Dhul cayiman; (c) Xukuumad talisa . (d) xukuumad leh awood ay xidhiidh kula gasho dowladaha kale .. 3. Soomaaliya: dowlad fashilantay Soomaaliya waxay tusaale u tahay waddan fashilmay mana laha awood dhisma dowladeed oo macquul ah oo keli ahaan xukumi karta somaliya laga soo bilaabo 1991, laakiin jiritaankeeda iyo maamulkeeda ayaa laga soo bilaabo 1992 si ficil ahaan hoos timaada Golaha Amniga ee qaramada midoobey iyada oo la raacayo qaraarkii amaba Go’aankii tirsigiisu ahaa 733, ee 1992kii oo mar kale la ansixiyay sanadka 2019- tirsiga 2472. -(Security Councilโ€™s 1992 Resolution of 733, adopted again resolution 2472 (2019) under Chapter 7 ) Iyada oo balaayiin doollar lagu qarashgareeyey dhisida dowladnimada somaliya hadana beesha caalamka ma helin wax muujinaya in laga helo Somaliya dhammaan awoodihii iyo wixii laga filaayey oo aan ka ahayn xaqiijinta dhowr mayl oo hareeraha Muqdisho ah. Qadiyada Somaliland ee xaq ulahaansha ictiraaf caalami ah iyo in uu kiiskeedu yahay mid gaar ah oo cad kana duwan dawlado badan oo ictiraaf heley iyo kuwo weli sugayaba waxaa cadeeyey machado kala duwan ,jaamacado waaweyn oo ku takhasusey sharciga caalimaga ah kuna kala yaal aduunka daafihiisa , looyaro iyo ururo caalami ah tusaale ahaan. 1- Gudidii xaqiiqa raadinta sharcinimada Somaliland ee Afrika 2005 . ( AU Fact-Finding Mission to Somaliland .30 April to 4 May 2005) 2. Waxaa iyana si cad u qeexay The Centre for International Humanitarian Law and Human Rights, ( Centre for IHL & Human Rights Law ) 3. Waxa kale oo cadeeyey The Unrepresented Nations and Peoples Organization (UNPO). Sidaa daradeed waxaas oo qodobo sharciyadeed oo xaqiiq ah oo aanu kor ku soo xusney waxay muujinayaan in aaney Somaliya nidaam sharci iyo mid awood dawladeedtoona ku sheegan karin wadanka Somaliland.โ€

 

Leave a Reply