Maroodijeex: Kooxaha Wacyigelinta Diwaangelinta Codbixiyayaasha oo la kala Diray

0
273

Hargeysa (Dawan) Koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shalay magaalada Hargeysa waxay ka kala direen shaqaalihii iyo gaadiidkii ka shaqaynayay wacyigelinta diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranka ee gobolka Maroodijeex

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex u qaabilsan guddida doorashooyinka Qaranka Yaasin Cabdi Cismaan, ayaa sheegay in gaadiidka ay kala dirayaan ay yihiin gaadiidkii wacyigaliyayaasha afarta degmo ee uu ka kooban, ee sida Gabiley, Baligubadle Salaxley iyo degmada Hargeysa.

Waxa uu kula dardaarmay kooxa wacyigelinta ee ay maanta (shalay) ambabixiyeen in hawshu sida ay tahay ay uga soo baxaan, isaga oo intaas ku daray in tobankii gooboodba hal goob la isugu keenay, waxaanu ku adkeeyay in dhammaanba goobaha loo asteeyay diwaaneglinta codbixiyayaasha ay soowada maraan, isla markaana ay ogeysiiyaan in madasha goob heblaayo lagu qabanayo diwaangelintii si dadku goob heblaayadii u tagaan.

Yaasiin Cabdi Cismaan Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex u qaabilsan guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in diwaangelintu ku xidhan tahay hadba sida ay bulshadu wacyigelin u hesho, isaga oo faray in hawsha wacyigelinta xil weyn iska saaraan, isaga oo tilmaamay in bulshadu isu diwaangelinayso hadba sidii kooxa wacyigelintu fariinta ugaadhsiiyaan.

Gaba’gabadii waxaa uu sheegay in dadka hadal iyo heesba loo baahanyahay in lagu gaadhsiiyo fariimaha la xidhiidha diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranka ee guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan ka socda.

 

Leave a Reply